Monday 19th February 2018

Madaxweyne Farmaajo Oo Lakulmay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya.

February 8, 2018 - Written by Kulmiye

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Arbacadii kulan gaar ah la yeeshay safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Al Hammadi.

Kulankan oo ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta sidii loo xoojin lahaa, iyo sidii Imaaraadka uu u kordhin lahaa taageerada uu siiyo Soomaaliya.

Farmaajo ayaa Imaaraadka iyo shacabkiisa uga mahadceliyay taageerada joogtada leh ee ay la garab taagan yihiin Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay xiriirka labada dal inuu yahay mid soo jireen ah.

Sida ay qorstay Wakaaladda (WAM) Madaxweynaha ayaa salaan u diray Madaxda Imaaraadka sida Madaxweyne Sheekh Khalifa Bin Zayed Al Nahyan, Sheikh Maxamed Bin Rashid Al Maktoum, Madaxweyne ku-xigeenka, Ra’iisul Wasaaraha iyo xaakimka Dubai.

Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Al Hammadi, ayaa dhankiisa Madaxweyne (Farmaajo) uga mahadceliyay sida uu Imaaraadka u qadariyo, isaga oo ballan qaaday in Abu Dhabi sii wadi-doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI