Monday 19th February 2018

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Lakulmay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta.

February 6, 2018 - Written by Kulmiye

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar  Geelle iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda carabta Ahmed Abul Qeyd, ayaa ka wada hadlay arrimaha mandiqada Carabta iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga iyo wada jirka Umadda Carabeed ee Walaalaha ah iyo waliba xaalada Geeska Afrika.

Kulankaan dhex maray labada masu’uul oo ka dhacay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar,wuxuu Madaxweynaha Jabuuti aad u soo dhaweeyay dadaalka uu Xoghayaha guud ee Jaamacadda  ka geystay arrimaha wadamada Carabta iyo ka hortagga xadgudbyada ka dhanaka dadyowga carabta, degenaashaha iyo nabad ku wada noolaashaha dadyowga dalalka Carabta ee Walaalaha ah.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuu kaloo kulankaasi ku muujiyay sida dalkiisu u daneynayo iskaashiga wadamada carabta  aragtidiisa iyo istaraatijiuyada ku wajahan dagaalada ka socoda wadanka Yeman iyo sidii  xal loogu heli lahaa soo afjarida dagaalkaasi sababay khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed intaba iyo waliba sugidda amniga Suudaanta koon-fureed iyo Soomaaliya intaba.

Dhanaka kale Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Abul-qeyb ayaa isna kulankaasi ka cadeeyay lagama maarmaanimada sii xoojinta xiriirka Jabuuti iyo Jaamacadda Caraabta,arrimaha falastiin iyo wadciga Yeman, wuxuuna intaa raaciyay in doorashada golaha sharci dejinta Jabuuti oo la filayo inay ka dhacdo 23 ka bisha febraayo ee Sanadkan,ay Jaammacadda carabta u diri doonto  ergo goob jog ka noqota, iyadoo ka jawaabaysa codsi arrintaasi la xiriirta oo ay ka heshay Dowladda jabuuti.

Wuxuu kaloo Abul-qeyb soo hadal qaaday  mowqifka Jaamacadda carabta  ee falastiin iyo Qudus iyo dadaalka ay ku bixin doonto sidii mushkiladahaasi xal siyaasadeed oo wax ku ool ah loogu dhameyn lahaa,wuxuu kaloo soo hadalm qaaday arrimaha dalka Liibiya iyo la dagaalanka argagixisada.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI