Monday 19th February 2018

Madaxweynaha Jubbaland Oo Ka Hadlay Ammaanka Muqdish.

February 12, 2018 - Written by Kulmiye

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay Maqaamka Caasimadda oo waqti badan soo jiitameysay, is qabqabsi badana faraha la galay, wuxuuna su’aal ka keenay Maqaamka Muqdisho.

Wuxuu sheegay Maqaamka Caasimadda in mar walba meel loo jiido oo mararka qaar lagu eedeeyo in ay heystaan Madasha iyo Baarlamaanka, wuxuuna tilmaamay arrintan in ay tahay mid Dastuuri ah, muhiimna ay tahay in la qaxeexo Maqaamka Caasimadda iyo mida Gobolka, qof walba oo Soomaali ahna ay dan ugu jirto.

Axmed Madoobe ayaa sheegay shirarkii ugu dambeeyay ee ay yeelanayeen in ay ku baaqayeen in la dadejiyo  Maqaamka Caasimadda, wuxuna sheegay in isaga uu horboodi doono dadka u doodaya Maqaamka Muqdisho, taasi bedelkeeda wuxuu dalbaday in la yareeyo in la isku xanto arrintan.

“Waxaa aad looga hadlaa Gobolka Banaadir, Caasimadda, Maqaamka, xagee laga heystaa horta ? laakiin marka wax la sheeg sheegayo waxbaa afka la isku saar saaraa, mar waxaa la yiraahdaa Madasha iyo Baarlamaanka ayaa heysta, Waxaan is leeyahay arrintaasi waa mid Dastuuri ah, dhowr jeerna waan ka hadalnay, shirarkii uga dambeeyay waxaan uga hadleynay in la dadejiyo Maqaamka, aniga ayaana horgal u noqon doona, waxaan rajeynaa arrintan in hada kadib aanan la isku xaman doonin.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa hadalkan ka sheegay xilli xalay uu magaalada Muqdisho uga qeyb galay Munaasabad casho sharaf aheyd oo Maamulka Gobolka Banaadir uu u sameeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada oo ka qeyb galay shirka Golaha Amniga oo 10-kii bishan la soo gaba gabeeyay.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo 21-kii bishii January 2018 uu xilka ka qaaday Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay waxyaabaha xilkiisa uu ku waayay in ay ka dhasheen laba arrimood oo kala ah xasiloonida iyo nabadgelyada Gobolka Banaadir iyo shirka wadatashiga Nabadeynta iyo horumarinta gobolka Banaadir oo looga hadli lahaa maqaamka Muqdisho, waxayna tani muujineysaa in Madaxda Dowladda Federaalka aysan la dhacsaneyn Maqaamka Caasimadda.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI