Friday 23rd February 2018

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Ka Qayb Galay Shirka Amniga Qaranka.

February 6, 2018 - Written by Suldaan Samawade

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 06 February 2018 Muqdisho uga qayb galay shirka amniga qaranka oo maanta ka furmay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya, shirlkaas oo ay iyaguna ka soo qayb galeen Madaxda Dawladdaha xubnaha ka ah DFS Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisal wasaaraha DF Somaaliya, taliyayaasha ciidamada qalabka sida iyo masuuliyiin kale.

Shirkaan oo ah kii saddexaad oo ay yeeshaan madaxda Dawladda DFS iyo Dawladdaha xubnaha ka ah, ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda Amniga Soomaaliya iyo sidii loo abuuri lahaa ciidan xoogan oo ka hawl gala Soomaaliya.

Dhinaca kale Shirka amniga qaranku waa madal ay ku kulmaan madaxda Dawladda Faderalka ah iyo Dawladdaha xubnaha ka ah, waxaa inta badan xoogga lagu saaraa arimaha amniga iyo xasilinta Soomaaliya, iyo sidoo kale qaabaynta siyaasadda Soomaaliya, iyo sidii dhabaha iyo nabadda hormarinta loogu ridi lahaa Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kulankii maanta ay yeesheen madaxda Dawladdaha xubanaha ka ah DFS iyo madaxda Dawladda Faderalka ah Soomaaliya ka jeediyey Khudbad taariikhi ayaa sheegay sidda ay mahuraanka u tahay in dhidibada loo taago ciidamada xooga dalka Soomaaliya, si lo adkeeyo amniga iyo xuduudaha Soomaaliya, isla markaana tilmaamay haddii la rabbo in la helo Soomaaliya Adag oo ah dal dhisan, xudduudihiisuna sugan yihiin, in ay l;agama maarmaan tahay in la dhiso hay’adaha kala duwan ee dawligga ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in madaxda qaranka Soomaaliya looga baahan yahay in si feejigan u abaaraan dhismaha ciiidamada qalabka sida ee Soomaaliya, iyagoo oo dadaal koodoo dhan isugu geynaya sidii shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen nabad iyo nolol si ay u helaan kalsooni buuxda oo ay ku maareeyaan noloshooda.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa inta uu joogey Muqdisho wuxuu kulamo gaar gaar ah la qaadanayey Madaxda Dawladda DF Soomaaliya iyo madaxda Dawladdaha xubnaha ka ah DF isagoona kala hadlayey xaladda amniga somaaliya iyo sidii iskaashi buuxa looga samayn lahaa Hormarinta Soomaaliya.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI- GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI