Monday 19th February 2018

Madaxweynaha Dawladda Puntland Iyo Wefti Balaadhan oo Uu Hogaaminayo oo ka daggay magaalada Muqdisho.

February 4, 2018 - Written by Suldaan Samawade

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland Iyo Wefti Balaadhan oo Uu Hogaaminayo oo ka daggay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii danbe 04 february 2018 si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho ee caasimadda DFS.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu Hogaaminayo oo ka tirsan labada gole ee dawladda Puntland oo ka dagay galabta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweyey Masuuliyiin ka tirsan dawladda federalka Soomaaliya iyo shacabka magaalada Muqdisho ee caasimadda DFS Soomaaliya.

Ujeedka safarka Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ah ka qaybgalka shirka ka furmidoona magaalada Muqdisho, shirkaas oo ay ka qaybgali doonan Madaxda dawladda federaalka Soomaaliya, iyo Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah dawladda DF Soomaaliya shirkan ayaa looga hadli doono amaanka guud ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka qayb geli doona shirka amniga qaranka ee soomaaliya ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelan doona madaxda dawladda fedaralka ee soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulamo la yeelan doona madaxda beesha caalamka, kuwaas oo uu kala hadli doono adkaynta nabadgelyada iyo barnaamijka xasilinta soomaaliya, mashaariicda hormarineed ee soomaaliya iyo weliba sidii wadashaqayn buuxda ay u yeelan lahaayeen beesha caalamka iyo dawladdaha xubnaha ka ah dawladda federalka Soomaaliya.

Ugu Danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa inta uu joogo magaalada Muqdisho wuxuu ka qaybgeli doona shirka looga hadlayo xaaladda dalka soomaaliya uu ku jiro xiligaan oo diiradda si gaar ah loogu saari doono amaanka guud ee Soomaaliya.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI- GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI