Wednesday 21st February 2018

Maamulka Soomaaliland Oo Yeeshay madaxweynihii Saddexaad.

February 14, 2018 - Written by Kulmiye

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland ayaa sheegaya in mid kamid ah magaalooyinka waa weyn ee Somaliland dhawaan lagaga dhawaaqi doono maamul kale oo ka madax banaan maamulka hogaamiye Muuse Biixi Cabdi oo kaas haatan qaban qaabada dhismihiisu ka socoto gudaha Somaliland.

Wararku waxa kale oo intaasi kusii darayaan in maamulkani cusub ay dhisan rabaan qaar kamid ah Beelaha Isaaq ee kasoo hor jeeda xukunka Muuse Biixi, kuwaas oo qaarkood dhawaan kaga dhawaaqeeyeen dalka Maraykanka madaxweyne cusub iyo sidoo kale dowladd goboleed kale oo cusub.

Shakhsiyaadka arimahani hogaamiyaha ayaa waxaa kamid ah wiil uu sodog u yahay madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo kaas oo isna ka biya diidan maamulka Muuse Biixi, waxaana xoggaha ay ka helayso Puntlandnews.net gudaha magaalada Hargeysa ay tibaxayaan in maamulkan cusub loo bixin doono magac ka duwan kii hore ee ahaa UNITED SOMALILAND FRONT walina la iskuma af garan magaciisa.

Masuuliyiinta wada dhismaha maamulkan cusub ayaa warbaahinta u sheegay in Muuse Biixi uu ku fashilmay talada Somaliland ee rajada laga qabay, waxaana ay xuseen in laba maamulka ay ka jiraan gudaha deegaanada Somaliland  taas oo ay qaarkood tusaale ugu soo qaateen in xukumaddii hore ee tagtay ay wali lugaha kula jirto maamulida Somaliland oo ay ka taliso.

Madaxweynaha cusub ee maamulkan ayaa waxaa uu soo bandhigi doonaa baahida ay bulshada reer Somaliland u qabaan dowladd cusub oo ay yeelato Somaliland, waxaana taasi ay daaqada ka saaraysaa maamulka Mr. Biixi.

Caasimada uu yeelan doono maamulkani cusub ayaan weli la meel marin, waxaase wararka qaarkood ay sheegayaan in laga dhigi doono magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag halka wararka qaarna ay sheegayaan in ay noqon doonto magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ahna caasimada labaad ee Somaliland.

Tan iyo intii madaxweyne Muuse Biixi loo doortay Somaliland waxa soo badanayey kala qaybsanaanta bulshada Somaliland, iyada oo kala badh dadkii u codeeyey Muuse Biixi ay iminka kuwada kacsan yihiin oo ay Beelaha qaarkood dhisteenba maamul cusub.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI