Saturday 24th February 2018

Jaamacadda PSU Oo Soo Kordhisey Kulliyadda Medicine iyo Barnaamijyo Casri ah.

February 11, 2018 - Written by Kulmiye

Waxaa xalay jaamacadda Puntland State University (PSU) lagu daahfurey barnaamij Maqal iyo Muuqaal ah (PSU VIRTUAL CLASSES) oo ah casharo Muqaal ah oo la diyaariyey , kuwaas oo loogu talagay inay ka faa’ideystaan Ardayda Soomaaliyeed ee ku kula sugan dalka iyo dibadiisa .

Daahfurka barnaamijkaan ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland , Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka, Madaxweynaha jaamacadda PSU, Maamulka iyo macalimiinta jaamacadda, Dhakhaatiir iyo Ardayda jaamacadda PSU .

Ugu horeen waxaa halkaasi ka hadlay hormuudka kuliyada Cafimaadka Maxamuud Maxamed Xuseen oo sheegay in barnaamijkan ay soo kordhisay jaamacadda PSU gaar ahaan kuliyada barashada culuumta caafimaadka .

Faadumo Shiekh Cali oo iyadu ah Madaxa barnaamijkaan ayaa iyaguna ka warbixisay marxladaha uu soo marey barnaamijkaan iyo muhiimada uu u leeyahay ardayda soomaaliyeed ee barta culuumta caafimaadka .
Dhanka kale waxaa isna halkaasi ka hadlay gudoomiye ku xigeenka dhanka Waxbrashada Jaamacadda PSU Axmed Shire Axmed isagoona sheegay in loo baahan yahay in laga guuro habkii hore ee wax lagu baran jirey, jaamacadda PSU ay uguureyso habka Waxbarashada casriga ah .

Madaxweynaha jaamacadda PSU Maxamuud Xaamid Maxamed ayaa ku dhawaaqay in jaamacadda PSU ay fureyso kuliyada Barashada Dhakhtarnimada ( Faculty of Medicine ) qorshaheedan uu socdo dhawaana ay jaamacadda PSU daahfuridoonto , barnaamijkaan uu hor u dhac u yahay kuliyadaasi .
sidoo kale Waxaa halkaasi ka hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Puntland Faarax Maxamed Warsame oo aad u bogaadiyey barnaamijkaan in uu yahay barnaamij la galiyey juhdi iyo waqti aad u badan si loogu faa’ideyo ardayda soomaaliyeed, ee ay haysato qabado kala duwan .

Ugu danbeyn waxaa barnaamijka daahfurey Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Puntland Abshir Aw yuusuf ciise ayaa sheegay in jaamacadda PSU ay tahay jaamacad Hal-abuur leh oo markasta la socota casriga iyo isbadala aduunka ee habka casriga ah waxbarashada .
Ujeedada barnaamijkaan ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo aqoonta ardayda jaamacadda PSU iyo guud ahaan ardayda soomaaliyeed maadaama ay la kulmaan qabado kala duwan oo dhanka warbarshada, waxayna barnaamijka si fudud uga heli karaan khadka (INTERNET KA ) iyagoo ku si fudud ugu isticmaali kara Computer ama Mobilka .

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI