Monday 19th February 2018

Hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Dawladda Puntland oo qaadday Imtixaanka agaasimeyaal cusub

February 7, 2018 - Written by Suldaan Samawade

Hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaa maanta qaaday Imtixaan ay u fariisteen 44 qof oo isugu jira Rag iyo Dumar isla markaana loogu tartamayey siddeed boos ama jago oo ka bannaan qaybo mid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha ka faa’iidaysanaya Mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda ee Baanka adduunku uu ka caawinayo dawladda Puntland.

Jagooyinka cusub ee ka bannaan hay’adaha ka faa’iideysanaya mashruuca ayaa dhammaantood waxaa loo qaadanayaa agaasime waaxeeddo kuwaas oo qorshohoodu yahay dardar gelinta shaqa, waxaana kamid ah xarumaha ay ka hawl-geli doonaan shaqaalahaani Wasaaradda Shaqada, Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Bangiga Dawladda.

Imtixaanka ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta Library-ga iyadoona loosoo diyaariyey hab casri ah  taas oo la isticmaalayey Kumbutuuterro si  loo ilaaliyo bed-qabka iyo xaqiijinta hufnaanta imtixaanka isla markaana loo ilaaliyo kalsoonida tartameyaasha iyo guud ahaan shacabka Puntland waxaana goob joog ka ahaa masuuliyiin metelayey dhammaan xarumaha shaqaalaha loo qaadanayo.

Ka qayb galeyaashii imtixaanka ayaa muujiyey inay si wanaagsan ugu qanacsanyihiin habka loosoo diyaariyey imtixaanka iyo habka casriga ah ee loo qaaday  taas oo beryihii hore ay ka muujin jireen tuhun ama mad-madow.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI