Wednesday 21st February 2018

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo War Ka Soo Saaray Muranka Dhulka.

February 15, 2018 - Written by Kulmiye

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa go’aano adag ka soo saaray isqab qabsiga dhulalka ee ka jira magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Mamaulkiisa uusan aqbali doonin in xoog lagu kala heysto dhulalka magaalada Muqdisho, sidoo kalena awood aanan loo sheegan doonin dadka danta yar ee ku nool Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sheegay mudada kooban ee uu joogo xafiiska Gobolka inuu il gaar ah ku fiirin doono arrimahan, wuxuuna tilmaamay in dhulalka Danta guud aanan loo adeegsan doonin dan gaar ah.

“Waad la socotaan arrimaha dhulalka oo dhibaatooyin badan ay ka jireen, oo dhulal dan guud ahaa aan talaabo ka qaadnay, welina aan ku raadjoogno inta dhiman, waxaanan aqbali doonin in qof Bani’aadam ah lagu xad gudbo, ma aqbali karno in la qaato dhul dan guud ah.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa hadalkan ka sheegay kulan maanta lagu soo dhaweynayay Maamulka Gobolka oo Muqdisho ka dhacay, kaasi oo ay ka qeyb galeen Wasiiro iyo Xildhibaano Dowladda Federaalka ka tirsan.

30-kii January 2018 Guddoomiyaha Gobolka Benaadir (Eng. Yarisow) ayaa warqad uu soo saaray si rasmi ah ugu joojiyey dhismaha ka socday dhulka danta guud ee Biyaaso Liibaro ee ku yaalla aagga Ceel Gaabta ee degmada Xamar jajab.

Waxaa kaloo jirtay in Duqa magaalada Muqdisho uu warqad rasmi ah ku joojiyey 5-tii February 2018 dhismaha ka socday dhulka ka soo horjeeda Dekedda magaalada Muqdisho ee degmada Xamar-Jabab, kadib markii uu warbixin ka dhageystay waaxda dhul bixinta ee gobolka Benaadir.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI