Wednesday 21st February 2018

Dowladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Xaaladda Biyo Laaneed ee Wadanka Ka Jirta.

February 14, 2018 - Written by Kulmiye

Dowladda Somaliya ayaa waxa ay ka hadashay xaaladda biyo la’aanta ah ee ka taagan qaar ka mid ah Gobolada dalka Somaliya oo wabigii uu guray, dadkana ay soo food saartay xaalad adag.

Saalim Caliyow Ibroow Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa baaq u diray Hay’addaha ka shaqeeya arrimaha samafalka  ee ka hawlgala Soomaaliya  in ay gacan ka gaystaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka dhashay Biyo la,aanta ee ka jira dalka.

Wasiir Saalim Caliyow Ibroow ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in deegaano ka tirsan dalka ay ka jirto Biyo la,aan saamayn ku yeelatay bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirka  in ay lagama maarmaan tahay in Hay’adaha samafalku gacan weyn ka geystaan Caawinta iyo samata bixinta bulshada ku nool deeganada ay ka jirto Biyo la’aanta ee deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Dalka Soomaaliya..

Hadalkaan ka soo baxay Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa imaanaya xili uu guray Webigga Shabeele ee mara Gobolada Shabeelooyinka iyo Hiiraan.

Arrintasi ayaa saameyn weyn ku yeelatay beeralay iyo xoola dhaqato badan oo kunoolaa deegaanada uu maro webigaasi,mana jiraan keydada biyaha webiga oo loogu talagalay in lagu samatabixiyo dadka marka ay dhacdo dhibaatadan oo kale.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI