Monday 19th February 2018

Dowladda Puntland,”Dadka Ugu Badan ee Ka Tahriiba Xeebeheenu Waa Itoobiyaan”.

February 12, 2018 - Written by Kulmiye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland ayaa sheegtay sanadkii la soo dhaafay xeebaha Puntland in ay ka Tahriibeen dad tiradooda ay kor u dhaafeyso 35,000 oo qof, kuwaasi oo u badan dhalinyaro.

Dadkan ka Tahriibaya degaanada Puntland ayaa Boqolkiiba Sideetan waxa ay yihiin Itoobiyaan, halka Boqolkiiba Labaatan ay yihiin Soomaali, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Dadkan ayaa waxa ay sii maraan dalka Yemen, iyaga oo u jiheysta dhanka Qaaradda Yurub, waxayna la kulmaan dhibaatooyin fara badan, oo loo geysto.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cali Nuur (Jubba) oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Puntland arrintan ay wax badan ka qaban doonto, si loo bad baadiyo nolosha dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed.

“Dadka Tahriibayaasha ah, Puntland sanadkii hore waxaa soo galay Tahriibayaal gaaraya 1,250 qof, waxayna ka soo galeen dhanka Tukaraq, dadkan waxay ka imaanayaan Itoobiya iyo Koonfurta Soomaaliya, Boqolkiiba Sideetan dadka ka Tahriibay Puntland sanadkii tagay waxa ay yihiin Itoobiya, halka Boqolkiiba Labaatan ay yihiin Soomaali.” Ayuu yiri Agaasime (Jubba).

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI