Friday 23rd February 2018

Diyaarad Ku Dhacday Duleedka Degmada Wanla-weyn ee Shabeellaha hoose.

February 2, 2018 - Written by Kulmiye

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay inay jirto diyaarad nuuca xamuulka qaadda, oo ku dhacday duleedka Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Gudoomiye Ku xigeenka Dhinaca Maaliyadda ee Maamulka Shabeellaha Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay inay heleen xogta ku aadan diyaaradan, gelinkii dambe ee maalintii Arbacada.

Wuxuu sheegay ka hor inta aanay dhicin diyaaradaasi in lagu arkay iyadoo joog hoose ku duuleysa inta u dhaxeyso Degmada Wanlaweyn iyo Degaanka Warmaxan ee Gobolka Shabeellaha Hoose, shacabkana ay dareemeen cabsi.

Sidoo kale Guddoomiye C/fataax ayaa sheegay in Diyaaradan ay u muuqatay inay kor u kici la’dahay, sababo ku aadan diyaaradda oo loo maleynayo inay xamuul ka tan badan siday, ugu dambeyna ay ku dhacday degaanka Labiga Dhaadheer, oo ku dhow Xeradii hore ee Ciidanka Kumaandooska Soomaaliyeed ee Kaba Hirig.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI