Friday 23rd February 2018

Ciidanka Ammaanka Oo Muqdisho Ku Qabtay Nin Dhowaan Dil Geystey.

February 8, 2018 - Written by Kulmiye

Laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay mid ka ah rag hubeysnaa oo galabta degmada Waaberi gaar ahaan Buundada ku dhow xarunta degmada ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka.

Afhayeenka wasaaradda amniga ayaa sheegay rag hubeysan in ay degmada gudaheeda ku toogteen Askari, kadibna ay isku dayeen in ay baxsadaan balse wuxuu tilmaamay ciidamo halkaasi ku sugnaa oo durba ku baxay dilka ay u suuragashay in ay gacanta ku dhigaan mid ka mid ah ragga dilka geystay.

“Waxaa Ciidamada ammaanka u suuragashay in ay gacanta ku dhigaan dhagar qabe dil u geystay Askari Ciidamada Qalabka Sida ka tirsanaa, waana ku amaanaya Ciidamada, mar walba Hay’adaha ammaanka waxay diyaar u yihiin sugidda amniga” Ayuu yiri C.casiis (Xildhibaan).

Dhanka kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa soo hadal qaaday Howlgallo gaar ah oo xalay ka dhacay Muqdisho, wuxuuna sheegay in Howlgallada ay ahaan doonaan kuwo joogto ah oo falalka arbushaada ah looga hortagayo.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI