Saturday 20th January 2018

Ururada Aan Dowliga Ahayn Oo Eedayn U Jeediyey Dowladda Soomaaliya.

January 9, 2018 - Written by Kulmiye

Dalada ay ku mideysan yihiin ururada aan Dowliga aheyn ee Soomaaliya ayaa Dowladda Federalka ku eedeeyay in ay barakicineyso dadka barakacayaasha ah ee ku nool duleedka magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed ka soo baxay Dalada ayaa lagu sheegay in 21 degaan oo hoy u aheyd in ka badan 5,807 oo qoys la dumiyey, iyadoo halkaas lagu bur buriyey agab ay dadkaas lahaayeen iyo waxyaabo kale oo noloshooda asaasi u ahaa.

Sidoo kale Dalada ay ku mideysan yihiin ururada aan Dowliga aheyn ee Soomaaliya ayaa sheegay barakicinta lagu hayo barakacayaasha ku nool duleedka Muqdisho in aysan aheyn kuwo waafaqsan sharciga dhowrista xuquuqda aadanaha.

“Waxaan aad uga murugeysanahay dhibaatadan, iyada oo aan lahayn ogeysiis hore oo ku saabsan dadka barakacayaasha ah, qaar ka mid ah dadkan barakacayaasha ah waxa ay ka yimaadeen meelo fog, iyaga oo ka soo cararay Abaar iyo Colaad”. Ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay ururka.

2-dii January 2018 Peter de Clercq, Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya ayaa sheegay in burburin lagu haayo dhismayaasha barakacayaasha ku nool duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan barakacayaaha degaanka KM-13., wuxuuna ku baaqay in arrintaasi muhiim ay tahay in dib u eegis lagu sameeyo.

In ka badan laba Milyan oo qof ayaa hadda ku barakacsan Soomaaliya guud ahaan abaarta iyo iskahorimaadka, oo ay ku jiraan hal Milyan oo qof oo cusub oo barakacay 2017 oo keliya, taas oo ka dhigan Saddex-meelood hal meel 6.2 Milyan oo qof oo u baahan gargaar bani’aadamnimo.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI