Wednesday 21st February 2018

Shaqaalaha rayidka ah ee Dawladda Puntland oo tababar heer sare ahi ugu soo xirmay Garoowe

January 31, 2018 - Written by Suldaan Samawade

Shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland ayaa maanta Tababar soconayey muddo toban beri ahi ugu soo xirmay Xarunta Jaamacadda Puntland State waxaana Tababarkaasi qabanayey  Mac-hadka Tababarka shaqaalaha rayidka ah ee Dawladda Institute of Public Administration and Management (IPAM) iyo Jaamacadda PSU oo  iyadu martigelinaysa Mac-hadka (IPAM) maadaama aanu weli dhammay tirmin dhismaha Mac-hadku.

Tababarkaan ayaa isugu jirey labo qaybood oo kala ah ToT’s oo shaqaalaha dawladda qayb kamid ah loo diyaarinayey inay iyagu noqdaan tababareyaal, kuwaas oo dawladda ka caawin doona tababarka shaqaalah, halka  qaybta labaadna ahayd Tababar heer sare ah oo lasiinayey shaqaalaha rayidka ah ee dawladda (Advanced Level Traininig).

Muddadii uu tababarkaani soconayey ayaa shaqaalaha rayidka ah ee dawladda waxaa lagu tababarayey koorsooyinka kala duwan oo muhim u ah shaqada ay dawladda u hayaan (short Courses) kuwaas oo lagu salaynayey qof walba  cilmigii uu markii hore soo bartay isla markaana uu dawladda ugu shaqeeyo.

Shaqaalahaan tababarka loo qabtay ayaa waxay ka koobnaayeen  boosaska  kala ah  Madaxqaybeedada Human Resource, Finance, Procurement, Monitoring & Evaluation, Information and Communication Technology  iyo Policy Planning and Research ee dhammaan xarumaha kala duwan ee dawladda.

Guddoomiyaha Jaamacadda Puntland State Mudane Maxamuud Shiikh Xaamud oo ugu horrayn munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa diiradda ku saaray hadalkiisa qiimaha ay leedahay aqoontu iyo sida ay muhiimka ugu tahay shaqaalaha dawladda Inay ka faa’iideystaan cilmigii ay halkaan ku qaateen.

Agaasimaha guud ee Mac-hadka tababarka shaqaalaha dawladda Mudane Warsame Maxamud Xasan oo isaguna munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu tababarkaani u leeyahay shqaalaha dawladda isagoona xusay inay ku dabo geli doonaan shaqaalaha dawladda cilmigii la baray siday ugu faa’iideeyaan shaqaalaha kale ee ay uga yimaadeen xafiisyada dawladda.

Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland Mudane Jaamac Xirsi Faarax ayaa kula dar-daarmay shaqaalaha rayidka ah ee dawladda inay ka dhabeeyaan taabba-gelinta cilmigii ay barteen, taas oo la doonayo in si dhaqso ah looga dareemo xafiisyada  dawladda marka ay ku laabtaan.

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdinaasir Biixi Soofe ayaa isaguna ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in shaqaalaha dawladdu ay helaan tababarro dheeraad ah isagoo tusaale u soo qaatay waddamada hore-umaray dhammaantood inay laf dhabar ka dhigteen tayanta iyo tababaridda shaqaalahooda, taasina ay dhaxalsiisay guulaha waaweyn ee ay gaareen.

Ugu dambayn Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha dawaladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Axmed oo soo xiray Munaasabadda ayaa ku dheeraaday dedaalkii ay xukuumaddu u gashay barnaamijka tayaynta shaqalaaha, kaas oo kamid ahaa ballan qaadkii Madaxweynaha isla markaana maanta noqday mid si weyn loogu guuleystey.

Ugu dambayn Wasiirka ayaa kula dardaarmay shaqaalaha inay si daacadnimo iyo waddaniyadi ku jirto ugu adeegaan bulshada isagoona u ballan qaaday in ay heli doonaan dallacsiin ay ku mutaysteen hawl-karnimadooda, isagoona ugu dambayn  guddoonsiiyey shahaadooyin caddaynaya cilmiga ay barteen.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI