Saturday 20th January 2018

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Kaga Qaybgelaya Wadanka Turkiga.

January 11, 2018 - Written by Kulmiye

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Mohammed Guleed (Khadar) iyo wefti uu hogaaminaayo ayaa gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Ankara ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dalka Turkiga, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi iyo xubno kale.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa wafdigiisa waxaa ka mid ah Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Wasiirka Cusub ee Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Mudane Mahdi Mohammed Guleed (Khadar) Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka iyo wafdigiisa ayaa waxa ay Magaalada Ankara uga qeyb galayaan Shirka Iskaashiga Ganacsiga Soomaaliya iyo Turkey-ga oo markii ugu horreysay ka dhacaya dalka Turkey.

Shirkan ayaa marka uu soo idlaado waxa uu qorshaha yahay in Ra’iisul Wasaare ku xigeenka la kulmo Madax ka tirsan dalka Turkiga iyo Ardada dalkaasi wax ka barata iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan Turkiga.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI