Saturday 20th January 2018

Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .

January 7, 2018 - Written by Suldaan Samawade

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa caawa oo taariikhdy tahay 07 January 2018 ka qayb galay kulan wadatashi ah oo udhexeeyay dawladda federaalka ee Soomaaliya iyo dawladda Puntland.

Madaxwaynaha aya waxaa kulanka wada tashiga ku wehelinayay Madaxwayne ku xigeenka dawladda Puntland, golayaasha dawladda Puntland, saraakiil katirsan madaxtooyada dawladda Puntland iyo masuuliyiin kale.

Kullankan oo ka dhacay hoolka shirarka ee wasaaradda maaliyadda Puntland  waxaa diirada lagu saaray oo lagaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Amniga guud ee dalka, Dimqoraadiyada iyo dhaqangalinta nidaamka federaalka, Waxaa kaloo kulanka looga hadlay xuquuqaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo sidii deeqaha beesha caalamka bixiso si cadaalad ah loogu qaybsan lahaa.

Kulanka waxaa lagu falanqeeyay sidii maxkamadaha iyo hay’adaha cadaalada ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadu u wada shaqayn lahaayeen iyo sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha dadka Soomaaliyeed ay ku xajiyaan oo afar labaad ka badan qiimaha ay bixiyaan shucuubta wadamada deriska ah, waxaa kaloo looga hadlay sidii dib loogu howlgalin lahaa shirkadii diyaaradaha Somaliariline.

sidoo kale waxaa looga hadlay Muhiimada iyo miisaanka ay leedahay Isdhexgalka Bulshada Soomaaliyeed iyadoo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu amaanay sida dadka Soomaaliyeed ee reer Puntland u jecel yihiin Soomaalinimada iyo isdhexgalka bulshadda.

ugu danabayn madaxwaynaha dawladda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  iyo wefdiga uu  hogaaminayo ayaa inta uu joogaan caasimadda dawladda Puntland  waxaa uu kualamo laqaadan doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada .

 -DHAMMAAD-

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 


Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI