Saturday 24th February 2018

Madaxweynaha Puntland oo Magaalada Dhuusa-Mareeb sidiiran loogu dhaweeyay.

January 17, 2018 - Written by Suldaan Samawade

Madaxwenaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 17 Jnuaray 2018  waxaa sidiiran loogu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta maamulka Galmudug.

Madaxwaynaha dawladda Puntland iyo wefdigiisa ayaa waxaa halkaasi kusoo dhawayey madaxweynaha maamulka Galnmudug  Axmed Ducaale Geelee Xaaf, madaxweynaha Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare,  gudoomiyaha golaha fulinta ee maamulka Galmudug mudane, sheekh Shaakir iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Madaxwaynaha ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada dhuusamareeb ayaa waxaa uu ka qayb geli doonaa dhamaytirka heshiiska maamulka Gamludug iyo ahlusunna-waljamaaca kaas oo beri ka furmidoona magaalada dhuusamareeb.

Dhica kale Madaxwaynaha Galmudug oo kusoo dhaweeyey wefdiga Madaxwaynaha dawladda Puntland Magaalada Dhuusomareeb ayaa waxaa uu halkaasi ka jeediyay kelmedo soo dhawayn ah waxaana ka maid ahaa.

“halkaan waxaan maanta kusoo dhawaynaynaa Madaxwaynaha dawladda Puntland iyo wefiga uu hogaaminayo waxaan leeyahay kusoo dhawoow mudane madaxwayne magaalada dhuusamareeb oo ah maagaaladaadii hore, maanta waan kugu soo dhawaynayaa dhuusamareeb, waxay kuu leedahay xasuuas gaar ah, aad ayaan maanta kuugu soo dhawaynynaa magaalada dhuusamareeb.”

Sidoo kale madaxwaynaha dawladda Puntland  oo ka hadlay goobtii soo dhoweynta ayaa sheegay inuu aad iyo aad ugu mahadnaqo Madaxda iyo shacabka reer Dhuusomareebeed ee sidsa diiran usoo dhoweeyey,

“Madaxwayne aad iyo aad ayaan kaaga mahad naqayaa adiga iyo shacabkaba dhammaantiin, soo dhawaynta qiimaha le ee aad nagu soo dhaweyseen waan ku faraxsanahy, runrii magaalada dhuusamareeb waa magaaladaydii aan ku koray, waa magaalo runtii aniga xasuus gaar ah ii leh qof walbana meesha uu ku koray waxay u leedahay xasuus agaar ah waxay u leedahay muhiimad gaar ah, markaa aad ayaan ugu faraxsanahay in aan imaado.”

waxaa iigu danbaysay 1988 mar aan reerka kusoo booqday, waan jeclaa in aan imaado hada kahor laakiin iima suurto gelin waana jeclaa runtii inaanimaado, mar walbaana niyadaan ku hayay in aan mar uun magaaladaydii kusoo laabto oo arko , weliba aan magaalada ku dhex socdo oo aan soo maro meelo badan oo magaalada ka mid ah.”

waxaan jeclaa in aan soo booqdo dugsigii aan dhigan jiray iyo iskuulkii aan dhigan jiray markaa xasuus gaar ah ayay aniga ii leedahay magaaladani.”

ayuu yiri madaxwaynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugudanbayn madaxwayanaha dawladda Puntland ayaa waxaa uu ku soo laaban doona magaalada Garoowe ee caasimada dawladda Puntland, kadib marka uu maalinimada berrito ah soo gebageboobo shirka uu kaga qayb gelayo magaalada Dheesomareeb.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

 

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI