Sunday 21st January 2018

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr .Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xaflad Sagootin ah Ugu Sameeyay Magaalada Bosaso Madaxwaynaha DF Soomaaliya.

January 13, 2018 - Written by Suldaan Samawade

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaliya  ayaa kulan laqaatay qaybaha kala duwan ee bushada Magaalada Bosaso waxaana kulanaasi lagu qabtay xarunta Madaxtooyada dawladda Puntland  kulankaas oo ahaa mid lagu sogootinayo wefdiga uu hogaaminayo Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxwaynaha dawladda Puntladn Dr . Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, maamulka gobolka Bari , kan degmada Boosasso, xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Puntland iyo Federaalka Soomaaliya, saraakiisha Madaxtooyada dawladda Puntland, isim, salaadiin cuqaal, waxgarad, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa bulshadii kasoo qayb gashay kulanka uga xog waramay qiimaha ay leedahay dawladnimadu iyo garab istaaga hanaanka dawliga ah waxaa uu madaxwaynu bulshada kula dardaarmay in ay ka qayb qaataan horumarka dalkooda si loogaaro isku filaansho dhinac walba ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale ku boorriyey in ay dedaalkooda kor u qaadaan oo ay ahmiyad gaar ah siiyaan nabadgelyada, iyo xasiloonida Puntland.

Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa isaguna kawaramay faaiidooyinka ay leedahay nabad-gelyadu waxaana uu shacabka iyo dawladda Puntland guud ahaan uga mahad celiyay soo dhawaynta balaadhan ee ay usameeyeen isaga iyo wefdigiisa intii uu joogay deegaanda Puntland, isla marahaantaana waxaa uu ku amaanay bulshada Puntland sida ay mar walba ugarab taagan yihiin midnimada umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale maunaasabada ayaa waxaa hadalo ka soo jeediyay qaar ka mid ah isimada Puntland, siyaasiyiin ,waxgarad iyo qaar kamid ah bulshada magaalada Boosaaso waxaana ay dhammaantood Madaxwaynaha DF Soomlaiya ugu baaqeen in uu wax badan ka qabto dhibaatooyinka dalka kajira.

Ugu danbayn Madaxweynaha dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya ayaa waxay safar ugu shaqo ku tagi doonaan Xarunta gobolka mudug ee Gaalkacayo, halkaasoo ay kulamo kula qaadan doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND .

 


Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI