Friday 19th January 2018

Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo Kormeeray Xarumo Ganacsi.

January 12, 2018 - Written by Suldaan Samawade

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta oo taariikhdu tahay 12 jan-2018 ayaa waxaa ay si wada jir ah xadhiga uga jareen dhisme cusub oo shirkada Golis ay ka hirirgelisay magaalada Boosaaso  iyo Viber Obtic oo ah khad internet  oo badda lasoo mariyey kana hawl gelidoona  gobolada Puntland.

Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa waxaa ku wehelinayay munaasabada xadhig-kajarka Madaxwaynaha DF Soomaaliya, maamulka degmada Boosaaso, maamulaka gobolka Bari ,masuuliyiin ka tirsan golayaasha dawladda Puntland, iyo dawladda federaalka ee Soomaaliya, saraakiil ka tirsan madaxtooyada, ganacsato, waxgarad. iyo maamulka shirkada isgaarsiinta Golis.

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha dawladda federaalka ee Soomaliya ayaa si wada jir ah xadhiga-ujaray dhisme cusub oo todoba dabaq ah oo shirkada is gaarsiinta ee Golis leedahay.

Madaxwaynaha dawladda Puntland oo munaasabada xadhig jirida ka hadlay  ayaa waxaa uu sheegay in shirkada Golis ay wax badan oo horu-mar ah ku soo kordhisay Puntland, isla mar ahaantaana waxa uu Madaxwaynuhu sheegay in dhismahan maanta xadhaiga laga jaray uu la  mid yahay dhismayaasha casriga ah ee adduunka.

Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa waxa uu si aad ah ugu mahac celiyay ganacsatada ku dhiiraty in ay dhismayaal noocaas ah ka hirgeliyaan Mgaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Sidoo kale Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Frmaajo  oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay in uu xadhiga ka jaro dhismahaan casriga ah ee shirkada Golis ay ka hirgelinayso magaalada Bosaaso, dhismahan oo ka kooban 7 dabaq ayuu Madaxwaynaha DF Soomaaliya sheegay in ay farxad gaar aha utahay in dalka lagu soo kordhiyo.

Dhinaca kale qaar kamid qado sharaf lagu maamuusay Mdaxweynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya ayaa waxaa usameeyey Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin oo ka mid ah isimada Puntland, sidoo kale qado sharafta ayaa waxaa kasoo qayb galay golayaasha Dawladda Federalka Soomaaliya iyo golayaasha Dawladda Puntland.

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha dawladda federaalka ee Soomaliya ayaa uga mahad celiyay Ugaaska qada sharafta uu ku maamuusay, isla marhaantaana bogaadin iyo mahad balaadhan usoo jeediyey dadweynaha gobolka Barrie e sida diiran usoo dhaweeyey.

Ugu danbayn Madaxwaynaha Dawladda Puntland  iyo Mdaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay socod ku soo mareen qaar kamid ah goobaha ganacsiga ee magaalada Boosaaso iyagoo ka adeegtay goobta adeega ee Al Macruuf oo ah goobaha ganacsi ee ku yaala magaalada Boosasso, isla mara-ahaantaana waxa ay wefdigu tagaeen Beerta Maandeeq oo ah goob dhalinyaradu isugu timaado iyaga oo halkaasi kula kulmay kumanaan dhalinyarada magaalada Boosaso ka mid ah, kuwaasi oo halkaasi kula qaadanayey maalinta Jimcaha ee fasaxa lagu jiro.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

 

 

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI