Saturday 16th December 2017

Waddooinkii Muqdisho Oo Maalintii 2aad Xiran iyo Shirkii Furmaya.

December 5, 2017 - Written by Kulmiye

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa maalinkii labaad xiran, waxaana lagu arkayaa ciidamo badan oo ka tirsan dowladda, kuwaasi oo xiray wadooyinka.

Ciidamada lagu arkay wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho oo ah dhalinyaro ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa gaadiidka u sheegaya inay dib u laabtaan, maadaama wadada ay xiran tahay.

Wadada aada dhanka School Plozia, ayaa xiran sidoo kale waxaa xiran wadada Maka Al-mukarama, wadada Sayidka, wadada Ceelgaabta, iyo wadooyinka kale ee soo gala, halkaasi oo lagu arkaayo ciidamo amniga si wayn u adkeynaya.

Ujeedka wadooyinka loo xiray ayaa lagu sheegay inay tahay Shirka amniga Qaranka ee ka socda Magaalada Muqdisho, iyo shirka (Somali Partnership Forum) oo maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Maalinkii labaad ayaa Gaadiidka dadweynaha waxa ay isticmaalayaan wadooyinka xaafadaha mara, keliya wadooyinka waa weyn waxaa isticmaalaya Gaadiidka masuuliyiinta Dowladda iyo Gaadiidka Ciidamada.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI