Monday 18th December 2017

SAWIRRO : R.W Ku-xigeenka oo Itoobiya uga qeyb galaya xuska maalinta Qowmiyadaha

December 8, 2017 - Written by Kulmiye

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Dawladda Ethiopia iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas Amb. Maxamed Cali Nuur.

Mudane Khadar ayaa ka qayb gali doona munaasabada xuska 12aad ee 29ka Hidhaar maalinta Qowmiyadaha dalkaas Itoobiya oo maanta ka qabsoomi doonta xarunta dawlad deegaanka canfarta ee magaalada samara, waxuuna halkaas ka jeedin doonaa khudbad. Iyadoo munaasabaddan ay sidoo kale ka soo qeyb gali doonaan wufuud ka kala socota dalalka caalamka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa inta uu joogo dalka Itoobiya waxuu kulamo kala duwan la yeelan doonaa madaxda dalkaas, iyagoo ka wada hadlaya xiriirka, iskaashiga iyo arrimo kale oo muhiim u ah labada dawladood.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI