Monday 18th December 2017

SAWIRRO :Banaanbaxyo rabshado wata oo ka dhacay dhulka reer Falastiin

December 8, 2017 - Written by Kulmiye

Bannaanbaxyo rabshado wata, ayaa ka dhacay dhulka Falastiiniyiinta ee Israel xoogga ku haysato, ka dib markii Mareykanka uu Magaalada Qudus u aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.

Dadka reer Falastiin, ayaa waxay bilaabeen shaqo joojin, iyadoona ay albaabada u laabeen goobaha ganacsiga iyo waxbaraashada, si ay kaga falceliyan go’aanka Mareykanka uu Qudus ugu aqoonsaday Xarunta Israel.

Bannaanbaxayaasha, ayaa wadooyinka ku gubay taayeero, sidoo kalena waxay dab qabadsiiyeen calamada Mareykanka, Israel iyo weliba sawirada Madaxweynaha Mareykanka iyo Ra’iisal Wasaaraha Israel.

Bannaanbaxayaasha, ayaa dhegxaan ku tuurayay askarta Israel, waxaana la arkaayay askarta Israel uu ku jawaabeysa sunta dadka ka ilmeysiisa iyo weliba rasaas, dad badan ayaana la sheegay inay ku waxyeeloobeen isu dhacaasi.

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiin, ayaa waxay sheegtay in tiro ku dhow konton qof oo Falastiiniyiin ah ay ku dhaawacantay rabshadihii maanta dhex maray bannaanbaxayaasha iyo askarta Israel.

Bannaanbaxyada ka bilowday Daanta Galbeed, ayaa la fillaya inay sii socdaan, maalinta berrito ahna waxaa lagu wadaa in kumanaan ruux isugu soo baxaan Ramallah iyo Gaza.

Dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas, ayaa ku baaqay kacdoon ka dhan ah tallaabada Donald Trump uu Safaaradiisa ugu wareejinayo Magaalada Qudus, ka dib markii uu sheegay Qudus inay tahay Caasimadda Israel.

Dhanka kale bannaanbaxyo looga soo horjeedo go’aanka Trump ee ku aadan Qudus, ayaa maanta ka kala dhacay Wadamada Jordan, Masar iyo Pakistan.

Madaxweyne Trump, ayaa Arbacadii amray in Safaaradda Mareykanka laga raro Magaalada Tel Aviv, loona wareejiyo Magaalada Qudus, taasoo ka careysiisay dunida Muslimka.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI