Saturday 16th December 2017

Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Oo Xukumo KU Ridey Rag Katirsanaa Alshabaab

December 5, 2017 - Written by Kulmiye

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta Xukun ku riday rag lagu soo eedeeyay in ay ka tirsan Yihiin Al-Shabaab kuwaas oo qaarkood la sheegay in ay ka fuliyeen Qaraxyo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Raggaan oo ka kooban ilaa Afar oo dhamaantood rag ah ayaa lagu kala magacaabaa.

  1. qaadir abuukar Shaacir waxaa la sheegay in uu ahaa sirdoon Al-Shabaab u qaabilsan Sahminta Maqaayadaha iyo Hotelada ka hor inta aan la qarxin waxaana goobaha uu samhmiyay ka mid ah Maqaayad ku taala ka soo hor jeedka Hotel Wehliye, ka soo horjeedka maqaayad ku taala Wasaaradda Isboortiga iyo Baar Itaaliya oo ku yaala Makka Al-Mukarama. C/qaadir ayaa lagu Xukumay dil toogasho ah.

 

  1. Maxamed Cumar Akiila ayaa sidoo kale la sheegay in uu ka mid yahay Al-Shabaab ayna wada shaqeyn kala dhaxeysay C/qaadir oo basaas ahaa sidoo kale waxa uu qaabilsanaa soo iibinta Gaadiidka ay Al-Shabaab ku filiyaan Qaraxyada waxaana la sheegay in uu soo iibiyay Gaadiid badan oo Muqdisho lagu qarxiyay. Akiila ayaa lagu Xukumay Xabsi Daa’im ama cimrigaa haku furto.

 

  1. Daa’uud Maxamed Cali Waxaa la sheegay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab waxa uuna qaabilsanaa Faafinta Afkaarta Al-Shabaab iyo sidoo kale bixinta Lacagaha dadka ka tirsan Shabaab ee qaraxyada fuliya iyo dadka toogta waxaana lagu Xukumay 10 Sano Xabsi Ciidan Ah.

 

  1. C/llaahi ibraahim Geesey oo ah qofka ugu dambeeyo ayaa sidoo kale la sheegay in uu la shaqeyn jiray Labada qof ee ugu horeyso kuwaas oo kala ah C/qaadir Abuukar Shaacir iyo Maxamed Cumar Akiila waxaana la sheegay in uu sidoo kale qaabilsanaa soo dejinta Gaadiidka iyo dambiyo kale waxaana lagu Xukumay 2 Xabsi Ciidan ah.

 

Ragaan ayaa hore loo dhageestay Dacwadaha loo hesto waxaana Xukunkaasi ku dhawaaqay Guddoomiyaha Darajada 1aad ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Shuute.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI