Saturday 16th December 2017

Maxkamad Kutaal Canada Oo Eedayn Kadib Dembi Ku Heshay Muwaadin Soomaaliyeed.

December 7, 2017 - Written by Kulmiye

Maxkamad ku taalla dalka Canada ayaa dambi afduub ah ku heshay inuu geystay Cali Cumar Adeer oo ah 40 sano jir Soomaali ah oo 9 sano waqti haatan laga joogo la sheegay inuu ka qeyb qaatay fal afduub ah oo Muqdisho loogu geysto Amanda Linhod oo ah gabar u dhalatay dalka Canada iyo sawir qaade u dhashay dalka Australia oo lagu magacaabo Nickel.

Xaakimka Maxkamadda ayaa ku dhaawaqay Cali Cumar in lagu helay dambiga ah afduubka labada qof, Cali Cumarna uu ka been sheegay kiiska, wuxuuna sheegay keliya inuu ahaa turjumaan.

Kiiska ninkan lagu helay ayaa waxa uu soo baxay kadib markii saraakiisha dambi baarista qarsoon ee wareysatay uu u sheegay in Toban kun oo Dollar oo madax furasho ahaan loo siiyay, kadib markii uu ka dalaalay dhinacyada, waxaase Maxkamadda uu ka dhex sheegay isaga laftirkiisa in loo heystay afduub.

Xukunka rasmiga ah ee Cali Cumar ayaa ah sida werbaahinta qaar ay qorayaan xabsi daa’in la filayo in lagu dhawaaqo sanadka soo socda 2018-ka, waxaana ninkan gudaha dalka Canada lagu qabtay 2015-kii.

Amanda Linhod ayaa shalay oo Arbaco aheyd waxa ay Maxkamadda ka hor sheegtay iyada oo ilmeyneysa markii ay aragtay Cali Cumar Adeer in ay dhowr jeer la kulantay faraxumeyn, la garaacay, loona hanjabay, islamarkaana laga wareejiyay dhowr jeer goobtii afduub ahaanta loogu heystay, Gabadhaasi wariyaha ah Hooyadeed iyo dadka reer Canada ayaa dhaqaale ay uruuriyeen Madax furasho loogu soo daayay.

9 sano kahor ayaa Gabadhan waxaa lagu afduubtay magaalada Muqdisho sanadkii 2008-dii, markaasi oo ay wada shaqeynayeen wariye Madax banaan, waxaana labadoodaba madax furashadii dhaqaalaha aheyd ee la uruuriyay lagu soo daayay sanadkii 2009-kii bishii November.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI