Saturday 16th December 2017

Madaxweynaha Puntland ” Heshiiska Galmudug iyo Ahlusunna Wuxuu Dib Usoo Celinayaa sharaftii, Karaamadii Iyo Dawladdnimadii Soomaaliyeed”.

December 7, 2017 - Written by Suldaan Samawade

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa 06 December 2017 Magaalada Muqdisho kaga qayb galay xafladda saxiixa heshiiska maamulka Galmudug iyo Ahlusunna.

Xafladda ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Madaxweynaha DFS Mudane. Madaxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Madaxweyneyaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, masuuliyiin ka tirsan geleyaasha dawladda DFS iyo xubno ka socdey beesha caalamka.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo ku hadlaya magaca Madaxweynayaasha dawladdaha xubnaha ka ah dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiska Galmudug iyo Ahlusunna yahay mid ka qayb qaadanaya geeddi socodka nabadda Soomaaliyeed, dib usoo celinta sharaftii, karaamadii iyo dawladdanimadii Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in heshiiskani ay ka muuqato isu tanaasul iyo garasho xeeldheer, waxaana uu ku bogaadiyey Madaxweynaha maamulka Galmudug sida waaya aragnimadu ku jirto ee uu uga shaqeeyey midawga shacabka reer Galmudug.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xusay in Ahlusunna ay markasta u taagnaayeen difaacidda dalkooda iyo dadkoodaba, isla markaana waxa uu tilmaamay Madaxweynuhu in heshiiskani Soomaali oo dhan guul u yahay, isla markaana uu si gaara u taabanayo Puntland iyo Hirshabeelle.

” Heshiiska Galmudug iyo Ahlusunna wuxuu guul u yahay Soomaaliya oo dhan si-gaarana wuxuu wanaag u yahay Puntland iyo Hirshabeelle, waxaannu nahay xigto, waxaannu nahay deris, si gaara ayuu noo-khuseeyaa si gaara ayuu noo-taabanayaa si gaara ayuuna nabadgelyadayada iyo wada jir kayaga uga qayb qaadanayaa saamaynna ugu yeelanayaa. Insha Alla dhamaystirka heshiiskana waan kawada qayb qaadandoonnaa” ayuu yiri Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI