Saturday 20th January 2018

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka Tacsiyeeyey Geerida Taliyihii Qaybta Gobolka Cayn.

December 22, 2017 - Written by Suldaan Samawade

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyey geerida Alle hawnaxariistee marxuun Gaashaanle Sare Maxamuud Jaamac Cali oo ahaa taliyaha qaybta Booliska gobolka Cayn.

Madaxweynaha Puntland oo ku hadlaya afka goleyaasha dawaladda Puntland ayaa waxaa uga tacsiyaynayaa Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo guud ahaanba Taliska Booliska Puntland , eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay Alle denbigiisa ha-dhaafee marxuun Gaashaanle Sare Maxamuud Jaamac Cali.

Marxuunka ayaa ku geeriyoodey magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland halkaasi oo uu mudooyinkii ugu danbaysay ku xanuunsanaa, Illaahayna uu qadar in maanta ay saacadiisii kusoo gebagebowday.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuun Gaashaanle Sare Maxamuud Jaamac Cali uu ahaa sarkaal gudashada waajibaadkiisa shaqo ku wanaagsan, islamar’ahaantaana shaqo wanaagsan  qabtay muddadii uu ahaa taliyaha qaybta Booliska gobolka Cayn.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa marxuunka marlabaad Alle uga baryey inuu u naxariisto, denbigiisana dhaafo, su’aasha qabrigana Alle sulansiiyo, samir iyo iimaanna uu kasiiyo eheladiisa iyo Taliska Ciidanka Booliska Puntland.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

 

 

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI