Saturday 16th December 2017

Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed ee Soomaaliya Oo Bilaabanaysa

December 3, 2017 - Written by Kulmiye

Guddiga doorashada Madaxbanaan ee Soomaaliya ayaa sheegay in maanta ay billaabayaan diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada madaxabanaan ee Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey),ayaa sheegtay in ilaa hadda ay hayaan codsiyada 7 Xisbi oo u diyaarsan hanaanka Xisbiyada Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Golaha shacabka Soomaaliya ayaa 2016kii meel mariyay sharciyada axsaabta dalka,waxaana Xisbiyada lagu soo rogay shuruudo uu xisbiga ku noqon karo xisbi la aqbalo.

Xaliimo ayaa sheegtay in Xisbiga uu noqon karo marka uu leeyahay dastuur,Gole dhexe,Gole fulin sidoo kalena iska bixiyo lacagta diiwaangelinta oo gaareysa $500 oo doollarka Mareykanka ah.

Waxaa kale oo ay sheegtay in Xisbiga looga baahan yahay in xaruntiisa dhexe noqoto Caasimadda Muqdisho ugu yaraan sagaal Gobol oo ka mid ah 18ka Gobol ee Soomaaliyana ku leeyahay xarumo laamo ah.

Waxaa ay sheegtay in howsha maanta ay billaabayaan u fududeyneyso in ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah marka Dowladda hadda jiro waqtigeeda dhamaado.

48; Sano kaddib ayey sheegtay in Soomaaliya ay ka hirgelinayaan nidaamka axsaabta badan,iyada oo Xildhibaannada iyo xubnaha kale ee dowladda la doonayo in ay xisbiyo ka soo galaan halka hadda ay keenaan Odayaasha Qabaa’ilka Soomaaliyeed

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI