Monday 18th December 2017

Bannaanbax weyn oo maanta ka dhacaya Magaalada Muqdisho

December 8, 2017 - Written by Kulmiye

Jimcaha maanta, ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu qabto bannaanbax looga soo horjeedo go’aankii uu Madaxweynaha Mareykanka ugu aqoonsaday Magaalada Qudus inay tahay Caasimadda Israel.

Donald Trump, ayaa Arbacadii amray in Safaaradda Mareykanka laga raro Magaalada Tel Aviv, loona wareejiyo Magaalada Qudus, taasoo ka careysiisay dunida Muslimka.

Muslimiinta, ayaa qaarkood dhigay bannaanbaxyo ay ku muujinayan sida ay kaga careysan yihiin tallaabada Qudus loogu xallaaleynayo Maamulka Yahuudda, iyadoo Muslimiin kalena ay qorsheynayan inay isu soo baxyo sameeyan.

Magaalada Muqdisho, ayaa ka mid ah magaalooyinka la doonayo in Jimcaha maanta lagu qabto bannaanbax si weyn loogu cambaareynayo go’aanka ka soo baxay Madaxweynaha Mareykanka.

Sheekh Cabdi Xayi oo ka mid ah Culima’udiinka Somaliyeed, ayaa dadka reer Muqdisho ugu baaqay inay maanta isugu soo baxaan goob kastaa oo ay isugu imaan karaan, si ay ugu muujiyan dareenkooda ku aadan xiisadda Qudus.

Khudbadda Jimcaha, ayaa inta badan Masaajida waxaa lagu soo qaadan doonnaa go’aanka xasaasiga ah ee Trump uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda Maamulka Israel.

Dunida Muslimka iyo Wadamada Reer Galbeedka, ayaa cambaareeyay tallaabada uu Mareykanku ku sheegay in Qudus ay tahay Caasimadda Yahuudda.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI