Thursday 23rd November 2017

Yuusuf Garaad Oo Kulan La Qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

November 15, 2017 - Written by Kulmiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Yusuf-Garaad Omar Ahmed ayaa ku qabilay Muqdisho Danjiraha Jamhuuriyadda Shacbiga China ee Soomaaliya H.E. Mr. Qin Jian, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.

Safiirka China ee Soomaaliya Amb.Qin Jian ayaa sheegay in Xisbiga Shuuciga ee China “CPC” shirkoodii qaran ee 19,aad ee October qabsoomay lagu go’aamiyay in Xisbiga uu dadaal ku bixiyo nooc cusub oo xiriir caalami ah oo ku dhisan xushmad isdhaafsi, cadaalad iyo iskaashi faaido u leh labada dhinac, isagoo caddeeyay in China ay taageereyso dadaalka Soomaaliya ay ku ilaalinayso madax banaanideeda qaran, badbaadada dhulkeeda, nabaddeeda, ammaankeeda iyo horumarkeeda, isagoo muujiyay in dowladdiisu danaynayso weji cusub oo xiriir labada dal ay yeeshaan si loo xoojiyo howlaha nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Wasiir Yuusuf Garaad Cumar xmed ayaa yididiillo ballaaran ka muujiyay in xiriirka Soomaaliya-China uu galo waa cusub oo dana wadaag ah, isagoo boggaagiyay guulaha laga gaaray shirka Qaran ee 19,aad ee Xisbiga Shuuciga ee China “CPC”, waxa uuna ka mahadceliyay taageerada China ay u fidiso Soomaaliya, isagoo sheegay in mashaariicdii China ee hore uga fulay Soomaaliya ee weli muuqda ay yihiin wax caddeyn ugu filan xiriirka saaxiibtinimo ee qotada dheer ee labada dal iyo labada shacab ay wadaagaan.

Kulankan oo ku dhammaaday jawi guul xambaarsan, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Asia ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mr. Shirwa Abdullahi Ibrahim iyo diblomaasiyiin kale oo ka tirsan Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga China ee Muqdisho.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI