Thursday 23rd November 2017

Wasiirka Amniga iyo Saraakiisha Ciidanka Dowladda Puntland Oo Barlamaanka Hortegaya.

November 11, 2017 - Written by Kulmiye

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa sheegaya in wasiirka amniga iyo saraakiisha ciidamada difaaca iyo ammaanku ay hortegayaan barlamaanka.

Xildhibaanada barlamaanka Puntland ayaa lagu soo waramayaa inay u yeereen wasiirka amniga Axmed Dowlad iyo saraakiisha kala duwan ee ciidanka si ay wax uga waydiiyaan xaaladda ammaan iyo difaaca Puntland.

Barlamaanka Puntland oo kujira kal-fadhigiisii 40aad ayaa lafilayaa inay wasiirka iyo saraakiisha wax ka waydiiyaan xaaladda ammaan ee magaalooyinka Puntland gaar ahaan Boosaaso oo falal dhowr ah ka todobaddo kahor, dagaalka kadhanka ah Daacish iyo Alshabaab iyo daandaansiga Soomaaliland ee gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

War qoraal ah oo dhowaan ka soo baxay barlamaanka Puntland ayaa lagu sheegay in xukuumadda Puntland looga baahan yahay ilaalinta xuduudaha dalka, waxaana madaxweyne Gaas gudoonka barlamaanku ka codsaday inuu go’aan cad ka qaato arrimaha doorashada Soomaaliland.

Dhanka kalena, golaha xukuumadda Puntland oo yeeshay kulan xasaasi ah khamiistii lasoo dhaafay ayaa sheegay in Puntland aysan aqbali doonin doorasho kadhacda dhulkeeda.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI