Friday 23rd February 2018

Wararkii Ugu Dambeeyey ee Xaaladda Wadanka Zimbabwi.

November 15, 2017 - Written by Kulmiye

Dhaqdhaqaaq ciidan oo ballaaran ayaa laga dareemaya Magaalada Harare ee Caasimadda dalka Zimbabwi waxaana saadaashu ay sheegeysaa in uu ku saleysanyahay inqilaab xukumada madaxweyne Robert Mugabi ah ka dhan ah.

Robert Mugabi  lagasoo bilaabo 1987 ilaamaa haatan, waxaa uu ahaa Madaxweynaha dalkaasi, waxaana intii xilka haayay lagu eedeyay in uusan waxbadan ka qaban Caafimaadka, waxbarashadda iyo Horumarinta Kaabayeyaasha dhaqaalaha.

Dadka ku sugan Caasimadda Haraare waxa ay sheegayaan in ay arkayeen gaadiidka ciidanka xoogga oo wadooyinka waaweyn ee caasimada wareegaya, saacdo un ka dib markii ay xaley la wareegeen warbaahinta dowlada ee ZBC.

Saansaanta ayaa u muuqata horudhaca Afgembi ay ciidamada dalkaasi la damacsan yahay Madaxweyne Mugabi.

Israsaasayn culus iyo dhawaqa gantaallo ayaa laga maqlay dhanka waqooyi, inkastoo aysan caddayn waxa ay xaaladdu ku sugan tahay.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal hadal ah oo ka soo yeeray madaxweyne Robert Mugabe 93 jir ah.

Safiirka Zimbabwe ee Koonfur Afrika Isaac Moyo wuxuu meesha ka saaray wax afgambi ah, wuxuuna sheegay in ay dawladdu wali shaqaynayso.

Taliyaha ciidammada xoogga ayaa ku eedeeyay “khiyaano qaran” Madaxweynaha Mugabi,islamarkaana uu doonaayo in uu xaaskiisa ku wareejiyo dalka.

Generaal Constantino Chiwenga ayaa khilaafay madaxweyne Mugabe ka dib markii uu xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkii.

Hasa ahaatee, taliye ku xigeenka ciidanka oo ka hadley warbaahinta dowlada waxaa uu  dadweynaha reer Zimbabwi usheegey in ay isdajiyaan, waxaanu uu yiri”wax afgambi ah kama jiro dalka” Jeneraal Sibusiso Moyo, oo ah taliye ku xigeenka ciidanka ayaa sida oo kale shaaciyey in uu Madaxweyna Robert Mugabi nabad qabo.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI