Monday 20th November 2017

Wafti Balaadhan oo Ka Socda Dowladda Puntland Oo Si Diiran Lagu Soo Dhaweeyey  degmada Badhan ee Gobolka Sanaag.

November 11, 2017 - Written by Suldaan Samawade

Magaalada Badhan ee caasimadda gobolka Sanaag ayaa caawa oo ay taariikhdu tahay 12 Nov 2017 si diiran loogu soo dhoweeyey wefti ka socda dawladda Puntland,

 

Weftigan oo hordhac u ah wufuud tiro badan oo kusoo waajahan guud ahaan gobolada Sanaag iyo Hayland ayaa waxaa hoggaaminayey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Sucaad Saalax Nuur iyo Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-galinta, Hiddaha  iyo Dhaqanka ee Madaxdooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.

 

Waftiga ayaa waxaa magaaladda Badhan ee gobolka Sanaag ku soo dhaweeyay  Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac Ciyoon , Duqa Degmada Badhan Cabdirisaaq  Axmed Ciise, Xildhibaano ka tirsan gollaha degaanka  degmada Badhan, taliyaha ciidanka Asluubta Gobolka Sanaag  Axmed Dhaaye Jibriil iyo Isuduwayaasha Wasaaraddaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Beeraha, Ganacsiga iyo Degaanka.

 

 

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo ka hadlay muhiimadda safarkoodani shaqo daaran yahay  ayaa waxaa uu sheegay in ujeedada socdaalka Waftigu uu la xiriiro Kormeer shaqo oo ay ku mari doonaan dhammaan degmooyinka, tuulooyinka iyo degaanada   goboladda Sanaag iyo Hayland ee dawladda Puntland iyo sidii looga hortegi lahaa  farogalinta iyo xadgudubka  maamulka Somaliland uu ku hayo goboladaasi.

 

Agaasime Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa tilmaamay in isaga iyo weftigiisuba ay ka go’an tahay kana midaysan yihiin illaalinta amniga iyo xasiloonida gobolada Sanaag iyo Hayland, isla markaana ay maamulka Soomaaliland ka aqbalaynin inay khal-khal geliyaan nabadgelyada, xasiloonida iyo deganaanshaha dhammaan gobolada dawladda Puntland ee xuduudda la leh maamulkaasi Soomaaliland.

 

Dhinaca kale, Gobolada Sanaag iyo Hayland ee dawladda Puntland waxaa maalinta beri ku wajahan Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka  Amniga Puntland Cabdulaahi yuusuf Dawlad, waxaana ka mid ah wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Xanaanada Xoolaha, Dastuurka iyo Dekeddaha, waxaa kaloo waftiga ka qayb ah Saraakiil ciidan, waxgarad iyo masuuliyiin kale.

 

Xukuumadda dawladda Puntland ee uu gadh wadeenka ka yahay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  waxaa ka go’an ilaalinta xuduudaha dawladda Puntland, nabadgelyada, xasiloonida iyo deganaanshaha shacabka Puntland iyo dawladdoodaba, isla markaana aysan ogolaan doonin daandaansiga ka imanaya maamulka Somaaliland ee ku aadan xuduudaha Puntland, waxaana ay cadeeyeen golaha xukuumadda dawladda Puntland in aysan ka dhici doonin wax doorashooyin u eg oo ka yimaadda dhinaca Somaaliland xuduudaha gobolada Sool, Haylaan, Sanaag iyo Cayn ee dawladda Puntland.

 

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI