Monday 18th December 2017

Shirkii Golaha Wasiirada Jubbaland Oo Looga Hadlay Arrimaha Ammaanka iyo Qodobo Kale.

November 30, 2017 - Written by Kulmiye

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada Jubbaland oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horayn Wasiirka Amniga mudane Cabdirashiid Janan ayaa laga dhagaystay xaaladaha amniga ee deegaanka iyo waxyabahii ugu danbeeyay.

Wasaarada Beeraha ayaa soo bandhigtay qorshe ay doonayso in lagu xakameeyo cabashooyin ka jira dhul beereedyo kala duwan waxaana wasaaradu ay sheegtay in ay wado samaynta sharci la xiriira hananka dhul Beereedyada deegaanka ayna dhawaan golaha hor keeni doonto.

Sidoo kale wasaaradaha Cadaalada iyo Caafimadka ayaa laga dhagaystay hananka shaqo ee wasaaradaha .

Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa iyana faah faahin ka bixisay sababaha ay uga noqotay qabashada tartanka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka oo lagu waday in dhawaan lagu qabto Kismaayo.

Mudane Cabdiwaaxid Axmed Yare wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa sheegay in wakhtiyadii lasoo dhaafay ay dadaal xoog leh ugu jireen sidii ay Ciyaarahu u qabsoomi lahayeen balse dhismaha aan wali dhamaan ee kasocda garoonka kubada cagta ee Waamo uu sabab u noqday in wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Federaalka ay ku war galiyaan in aan hada lagu qaban Karin tartanka Dowlad Goboleedyada isla markana ay diyaar u tahay Jubbaland in meel walba oo lagu qabto ay ka qayb gasho.

Wasiirka Maaliyada mudane Cabdirashiid Jire Qalinle ayaa golaha u qaybiyay qoraalka miisaaniyada 2018 iyo qorshe hawleedka wasaarada iyadoona dood dheer kadib ay golahu anisixiyeen.

Miisaaniyada Sanadka Cusub ee 2018 ayaa ka badan midi sanadkii hore la meel mariyay iyadoo xooga lagu saaray dhismaha iyo Taakulaynta Ciidanka qalabka sida.

………….DHAMAAAD………

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI