Monday 20th November 2017

Shirkii Dhalinyarada ee Ka Socdey Magaalada Galkacyo Oo War Laga Soo Saaray.

November 9, 2017 - Written by Kulmiye

Maanta oo ay taariikhdu tahay 9/11/2017 waxaa si habsi leh u soo gabagaboobay Shirweynihii Dhallinyarada Isxilqaamayaasha Puntland kaas oo ka socday muddo labo maalmood ah Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug , waxaana ka soo qeyb galay todoba degmo oo isxilqaamayaal ah oo ka kala yimid deegaannada Puntland kuwaas oo kala ah :
 Hormuudka Horumarka –Gaalkacyo Mudug.
 #WaanAwoodnaa –Garoowe Nugaal. 
 Hormuud baynu nahay – Qardho Karkaar.
 Dal-Iftiinshe – Carmo Bari.
 Daldhis –Waaciye Karkaar.
 Hagran mayno – Badhan Sanaag.
 Hormarku Waa Annaga –Bosaaso Bari.

Warmurtiyeedkaan oo ka kooban 10 qodob oo ka hadlaya waxyaabihii ka soo baxay Shirweynihii Dhalinyarada Isxilqaamayaasha Puntland oo ka socday magaalada Gaalkacyo ayna Martigaliyeen dhallinyarada Hormuudka Hormarka Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Waxay dhammaantood si wadajir ah usoo saareen warmurtiyeedka hoos ku qoran kaaso oo ay ku mideysan yihiin dhammaan Isxilqaamayaasha Puntland .

1. Shirweynaha Wadatashiga Dhalinyarada Isxilqaamayaasha Puntland waxa uu inta uu socday shirka ay doorteen gudi ay ku mideysan yihiin Isxilqaamayaasha Hormarinta Puntland ka kooban 15 xubnood .
2. Guddiga isxilqaamayaasha hormarinta Puntland waxa uu u taagan yahay isku xirka , iskaashiga iyo midnimada isxilqaamayaasha hormarmarinta Puntland.
3. Guddiga Isxilqaamayaasha hormarinta Puntland waxa uu wada shaqeyn iyo xirir joogta ah la yeelanayaa dhamaan ururada bulshada, dalada dhalinyarada Puntland ee PYAN iyio cidkasta oo ka shaqeynaysa hormarinta bulshada .
4. Guddiga Isxilqaamayaasha hormarinta Puntland wuxuu ka madax bannaan yahay arrimo siyaasadeed IWM.

 

5. Guddiga Isxilqaamayaasha hormarinta Puntland waxay qabanayaan kulamo ay isugu yimaadaan dhammaan Isxilqaamayaasha Puntland kaas oo lagu dhiirigalinayo dhalinyarada laguna soo bandhigayo waxqabadkooda.
6. Guddiga Isxilqaamayaasha hormarinta Puntland waxa ay baahinayaan dhammaan waxqabadyada hormarineed lana gaarsiiyo dhammaan deegaannada Puntland .
7. Guddiga Isxilqaamayaasha hormarinta Puntland waxa ay wadashaqeyn layeelandoonaan dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan sida Culimada,Ganacsatada, Waxgaradkii, qurbo joogta IWM.
8. Guddiga Isxilqaamayaasha hormarinta Puntland waxay ka shaqeynayaan ka mira dhalinta waxqabadyada hormarineed ee ka socda deegaanada Puntland iyadoo lasameynayo qorshayaal cusub oo hormarineed .
9. Xubnaha Guddiga Isxilqaamayaasha hormarinta Puntland waxa uu shaqayndoonaa mudo hal sano ah .
10. Guddiga Isxilqaamayaasha hormarinta Puntland waxay ugu baqayaan dhalinyarada Puntland iyo dhalinyarada soomaaliyeed inay ka qayb qaataan dib u dhiska dalka .

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI