Friday 17th November 2017

Sawirro-Madxaf Lagu Kaydiyo Xusuusta Xiriiradii Go’ay Oo Dadbadan Soo Jeetey.

November 11, 2017 - Written by Kulmiye

Matxafka Xiriirada Go’ay wuxuu kamid yahay goobaha si la yaabka leh loogu dalxiiska tago caalamka. Halkan, dadka imaanaya waxay u riyaaqaan daawashada dhammaan nuucyada sheekooyinka iyo agabyada xusuusashada leh oo ay ku deeqaan dadka qalbi-jabku soo gaaro ee dunida dacalladeeda isaga yimaada.

Olinka Vistina iyo Drazen Grubisic, oo labaduba  qalbi-jab ku dhacay sanadkii 2006 waxay go’aansadeen inay furan Matxafka Xiriirrada Go’ay markii ay garwaaqsadeen sida ay u adag tahay in laga quusto walxaha xusuusta reeba oo jaceylkii lumay ka hara. Tallaabadan waxay awoodi karaan inay agabyada isku ururiyaan. In yar kadib, labaduba waxay ogaadeen in dadka kale ee aramida jaceylka la tiihaya ay sidooda kale ku deeqayaan agabyada xusuusta leh ee jaceylkii ka lumay.

Kahor inta aan sal-dhiggiisa buuxa laga sameynin Zagreb – caasimadda Croatia, dalxiisayaal ka kala imaanaya Istanbul ilaa New York ayaa isugu yimid. Sawirrada, saacadaha, jijimaha, waraaqaha jaceylka iyo dhammaan hadyadaha la isasiiyay waxay kamid yihiin agabyada lagu keydiyo Matxafka.

Olinka Vistina waxay sheegtay in badi dadka ku deeqa hadyada ay ka yimaadaan dalka Britain taas oo la micno ah in qalbiyo badan aad ugu dhaawacan yihiin dalkaas. Furitaankiisu wuxuu u muuqdaa mid guuleysanaya. Waxaana toddobaadkiiba soo booqda dad ka badan 1,000 qof.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI