Thursday 18th January 2018

Sawirro-Bus Aan Cidi Wadin Oo Maalintii Ugu Horeysey Oo Uu Shaqo Tegey Shil Galay

November 9, 2017 - Written by Kulmiye

Bas cusub oo ah  nuuca kaligiis is wada ayaa maalintii ugu horeesay uu shaqo bilaabay shil ku galay magaalada Las Vegas ee dalka Mareykanka sida ay ku warameen Warbaahinta Mareykanka.

Baskan oo ah nuuca dadweynaha qaada ayaa markii ugu horeesay ka shaqo bilaabay magaaladsa Las Vegas, waxaana baskan maalintii ugu horeesay uu shaqo bilaabay durba galay shil.

Gaari weyn oo nuuca xamuulja qaada oo si tartiib ah u socday ayaa ku dhacay gaarigan baska ah oon wadin darawalka, mana jiro wax khasaaro ah oo soo gaaray dadkii saarnaa baska.

Baskan ay soo saartay shirkadda Waymo oo Google leedahay, ayaa loogu tala galay in uu qaado rakaabka, waxa uuna markiiba qaadi karaa 15-qof oo rakaab , waxa uuna baskan saacadii jarayaa sida caadiga 25-km.

Ciidanka ilaalada Wadooinka ee magaalada Las Vegas ayaa sababta shilka ku eedeeyay darwalkii waday gaariga xamuulka qaada, waxaana loo jaray warqad ganaax ah.

Maamulka magaalada Las Vegas ayaa sheegay in shilkan dhacay uusan aheyn mid weyn, waxa ayna sheegeen in gaariga baska ah tijaabo lagu sameeyay uuna dib u shaqo bilaabayo isla maanta.

SAWIRRO

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI