Thursday 23rd November 2017

Madaxweyne Caan ah iyo Xaaskiisa Oo Muddo Xabsi Guri Ugu Jira Dowlad Kale.

November 9, 2017 - Written by Kulmiye

Weli ma maqashay Madaxweyne xil haya oo dowlad kale oo jaar ah xabsi guri gelisay ku dhowaad sanad?

Haddaba Madaxweynaha caalamku aqoonsan yahay ee dalka Yemen Abdulrabi Mansuur Haddi ayaa waxaa xabsi guri geliyey dowlada jaarka la ah ee Sacuudiga ka dib markii ay isku dhaceen isaga iyo Dowlada Imaaraatiga oo ka mid ah xulufada Sacuudiga.

Abdul-rabi Mansuur Haddi ayaa la sheegay in loo diidayu inuu dalkiisa ku laabto. iyadoo qaar ka mid ah Wiilashiisa iyo Saraakiisha Yemen ee ku suganaa wadanka Sacuudiga laga horjoogsaday inay tagaan magaalada Cadan, waxayna illaa bishii Feberaayo ee sanadkan ku sugan yihiin magaalada Riyadh.

Warar ay bixiyeen saraakiil sare oo ka tirsan dowlada Yemen oo ku sugan Cadan ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in dowlada Sacuudiga ka hortaagan tahay in Hadi iyo qoyskiisa ay ku noqdaan wadankooda.

Sacuudiga ayaa ku doodaya in aysan xiligan amaan ahayn magaalada Cadan oo ay u baqayaan waxyeelo soo gaarto Madaxweynaha Yemen iyo xubnaha la socday.

Madaxweynaha Yemen ayaa bilihii lasoo dhaafay marar badan Qoraalo u qoray Boqorka Sacuudiga Salmaan isagoo ka codsaday in loo fasaxo inuu tago dalkiisa Yemen, walow Boqorka Sacuudiga uusan uga soo jawaabin qoraaladaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xabsi guriga uu ku jiro Hadi uu la xariiro murran ka dhex taagan Madaxweynaha Yemen iyo Dowlada imaaraatiga oo ka mid ah xulafada Sacuudiga ee ku jirta dagaalka ka socda wadanka Yemen.

Imaaraatka ayaa ku eedeenaya Hadi arrimo la xariira musuq maasuq iyo waliba xiriirka uu la leeyahay kooxda Al-Islaax oo hoos tagta Ikhwaan Muslimiinka

Dowlada Imaaraatiga ayaa iyadu hada ah mida ugu awooda badan koonfurta dalka Yemen, iyadoo magaalada Cadan ka dhistay ciidamo xoog leh oo iyada toos uga amar qaata kuwaasoo aan hoos tagin dowlada Yemen.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI