Thursday 18th January 2018

Madaxweynaha Wadanka Faransiiska Oo Booqasho Ku Tegey Sucuudiga.

November 10, 2017 - Written by Kulmiye

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in uu carrabka ku adkayn doono ahmiyadda degenaanshaha Lubnaan isaga oo billaabay booqasho aan horay loo sii qorshaynin oo uu Sacuudiga ku tagay.

Arrintan ayaa imaanaysa ka dib markii uu Sabtidii is casilay ra’iisulwasaarihii Lubnaan Saad Hariri isaga oo ku sugnaa magaalada Riyadh, isaga oo sheegay in uu naftiisa u baqay.

Arrintan ayaa durba dhalisay in laga shakiyo in Sucuudigu uu caddaadis ku saaray is casilaaddiisa. Macron ayaa sidoo kale sheegay in uu hogaamiyeyaasha Sacuudiga kala hadli doono dhibaatada Yemen ka taagan, ka dib markii xulafada uu Sucuudigu hogaaminayo ay xireen dhammaan marinnadii galayay dalkaas dagaallada la daalaa dhacaya.

Go’doominta ayaa dalka Yemen la saaray Isniintii ka dib markii gantaal laga soo riday lagu bartilmaameedsaday magaalada Riyadh. Waxaa la sheegay in gantaalka lagu qabtay meel u dhaw caasimadda Sacuudiga. Sacuudi Carabiya ayaa gantaalka ku eedaysay malayshiyada ay Iiraan taageerto ee Xisbullah.

Qarammada Midoobayna waxay ka digtay “in Yemen ay wajahayso macaluushii ugu ba’nayd ee adduunka soo marta tobannaan sano” haddii aan go’doominta laga qaadin oon la soo celinin gargaarkii dalkaas la gaynayay.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI