Friday 23rd February 2018

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Lakulmay Xildhibaanada Galmudug.

November 10, 2017 - Written by Kulmiye

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo howlo shaqo u jooga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kulankan oo socday saacad iyo wax ka badan ayaa waxaa looga hadlay xiisada siyaasadeed ee ka taagan degaanada Galmudug, taasi oo u dhaxeysa Madaxda Maamulka iyo xildhibaanada oo laba u kala qeybsamay.

Xildhibaan Yuusuf Axmed Ciyow oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in Madaxweynaha ay kala hadleen xilkaqaadistii ay ku sameeyeen Madaxweyne (Xaaf) iyo wadada ay u mareen, wuxuuna tilmaamay inuu jiri doono kulan kale oo isku soo laabasho ah.

Wuxuu sheegay xildhibaanka in Madaxweynaha Soomaaliya uu u soo jeediyay xildhibaanada in xiisada Galmudug laga galo dib u heshiisiin, balse taasi ay ka dhega fureysteen oo ay sheegeen in ay ku taagan yihiin sharci, wixii dhacayna ay ahaayeen wax nidaam loo soo maray.

Dhanka kale Xildhibaan Ciyow ayaa sheegay Datuurka inuusan qofna cafineyn, xilka qaadistii ay ku sameeyeen Madaxweyne Xaaf-na in ay aheyd mid sharci ah, hadii Alle idmana 15-ka bishan ay dhici doonto Doorashada Madaxweynaha cusub, hadana uu socdo diyaar garowga la xiriira Doorashada.

Xiisada ka taagan Galmudug ayaa ah mid la isku daalay, una muuqata ijiid aan ku jiidee, kadib markii xalinteeda ay daba dheeraatay, waxaana shacabka Galmudug ay sheegeen muhiim in ay tahay in xal loo helo khilaafkan, maadaama saameyn dareen leh ay ku yeelatay.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI