Thursday 23rd November 2017

Madaxweynaha Jubbaland Oo Ka Hadlay Qabashadii Eedaysane Cabdirisaaq.

November 12, 2017 - Written by Kulmiye

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa bogaadiyay hawlgal gaar ah oo Ciidamada Booliska Jubbaland ay kusoo qabteen Eedaysane Abdirisaaq Warsame Axmed oo lagu soo Eedeyay in uu fal isku day kufsi iyo dhaawac ugu gaystay Magaalada Boosaaso Gabadh Soomaaliyeed.

“ Waxaan doonaya in aan bogaadiyo dadaalka iyo shaqo wanaaga ay la yimaadeen laamaheena amaanka gaar ahaan Ciidamada Booliska oo gacanta kusoo dhigay Eedaysanahan oo mudo ku dhuumalaysanayay Gobolka Jubada Hoose” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweynahu wuxuu Ciidamada hawlgalkan fuliyay sheegay in la abaal marin doono si ay shaqadooda usii laba jibaaran isla markana ay ka hortagi doonan in dad danbiyo meelo kale kasoo galay ay deegaanka ku dhex dhuuntaan.

“ Wada shaqayn buuxda oo dhex marta Hay’adaheena Amaanka iyo Cadaalada ayaan ku gaari karaa halka aan usocono oo ah in aan qofna lagu xadgudbin oo la ilaaliyo sharaftiisa iyo karaamadiisa” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Dowlad Goboleedka Puntland ayuu Madaxweynahu uga mahad celiyay sida ay uga qayb qaateen in ninkan gacanta lagu soo dhigo isla markana ay u aqbaleen in Cadaalada lagu mariyo halkii uu danbi kasoo galay.

Madaxweynahu wuxuu ku baaqay in uu Cadaalad helo Abdirisaaq Warsame Axmed isla markana la mariyo wixii uu sharcigu ka qabo falka lagu soo Eedeyay isagoo isla maanta Taliska Ciidamada Booliska Jubbaland ay u dhoofiyeen Puntland si halkaas Maxkamad loogu saaro.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI