Thursday 23rd November 2017

Dowladda Soomaaliya,”Waxaan Burburinay Xaruntii Laga Abaabuli Jirey Qaraxyada Alshabab”.

November 11, 2017 - Written by Kulmiye

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in weerar duqeyn cirka ah lagu burburiyay xaruntii Qaraxyada Alshabaab ku lahaayeen ku lahaayeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda Soomaliya Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow)  ayaa sheegay in ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa saaxiibada ay howlgallo ka fuliyeen Gobollada Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoos iyo Jubbooyinka ayna jiraan Khasaaro loo geystay maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay qeybo ka mid ah Goboladaasi.

“Howlgallada waxaa garab socda weeraro qorsheysan oo ay fulinayeen hay’adaha amniga, waxaana labo weerar oo gaar ah laga fuliyay degmada Jilib gaar ahaan xarunta qaraxyada, waxaana weeraro loo adeedsaday miinooyin la geliyay xarumahaas, kadibna la qarxiyay, waxaana ka dhashay qasaaro xoog leh,sida ay noo sheegeen Hay’addaha Ammaanka waxaa halkaas lagu dilay 81 maleeshiyo, waxaa kaloo jirtay in jidka loo galay gaadiid dagaal oo ay wateen maleeshiyaadka Al-Shabaab kuwaasi oo doonayay inay falal argagixiso ka geystaan Gobolka Gedo” ayuu yiri wasiir Yariisow.

Wuxuu kaloo sheegay in weerarradaasi lagu burburay Agab badan oo Qaraxyada laga sameeyo, sida TNT, RDX, Potasium Nitrate, sodium nitrate iyo sawaariiq lagu qiyaasay ilaa Laba ton iyo Hub kale oo ay ku jireen Gaadiidka dagaalka, macluumaadka la helay ayaa muujinaya in Jab xooggan  ay ku naqdeen weerarraas Al-shabaab lagu qaadey.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI