Thursday 23rd November 2017

Ammaanka Kenya Oo La Adkeeyey iyo Cabsi Laga Qabo Weeraro Alshabaab Ka Fuliyaan.

November 9, 2017 - Written by Kulmiye

Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka gudaha dalka Kenya kadib markii Booliska ay sheegeen iney suurtagal tahay in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weeraro ka geystaan degaanada Gobolka Waqooyi Bari gaar ahaan magaalada Mandhera oo dhowr jeer ay weerareen, sida ay sheegeen Booliska Kenya.

Saraakiil Ciidamada ammaanka Kenya ka tirsan oo diiday in magacooda la shaaciyo ayaa Wargeyska Daily Nation u sheegay iney jirto fariimo Laamaha ammaanka soo gaaray oo sheegaya iney Al-Shabaab qorsheynayaan weeraro dhabo gal ah oo ay ka geystaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Waqooyi bari Kenya.

Ciidamo Boolis iyo Millitari isugu jira ayaa bilaabay howlgal ka dhan Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya dhulka keynta ah ee Kenya gaar ahaan degaanada Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ku dhow.

Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya ayaa la la’yahay halka ay cirib iyo jaan dhigeen ka dib markii dagaalyahano looga shakisan yahay Al-Shabaab weerar ku qaadeen gaadiid Booliska Kenya ay saarnaayeen oo marayay degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Dowladda Kenya ayaa hadda waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 4,000 Askari oo qeyb ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo ujeedkiisu uu yahay in dalka ay ka saaraan Shabaab.

Ururka Al-Shabaab ayaa marar badan weerar dad rayid ah iyo Ciidamo Kenya ka tirsan lagu dilay waxa ay ku qaadeen Kenya, waxaana ugu darnaa Labadii weerar ay ku qaadeen xarunta Ganacsiga Westgate Mall iyo Jaamacada Gaarisa.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI