Friday 20th October 2017

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Dib Ugu Soo Laabtay Magaalada Boosaaso.

October 12, 2017 - Written by Suldaan Samawade

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ee ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay  magaalada Kismaayo ayaa maanta 12 October 2017 dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso.

Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakisha ciidamada qalabka sida, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, nabadoono, waxgarad, aqoon yahano iyo qaybaha kal duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo markii uu soo gaadhay Magaalada Boosaaso lahadlay warbaahinta ayaa ugu mahadnaqay sidii diiranayd ee loo soo dhaweeyey isaga iyo weftigiisa, isla markaana isaga oo sharaxaya shirkii wadatashiga ee magaalada Kismaanyo waxaa uu yidhi

“Shirka wada tashi ee dawaladdaha xubnaha ka ah DFS wuxuu ahaa shir Soomaali, wuxuu ahaa shir wanaagsan, shir u jeedadiisu ahayd midaynta iyo isu duwidda dawaladdaha xubnaha ka ah DFS  si ay iyagu aragti midaysan uga yeeshaan xaqiiqda ka jirta Soomaaliya,  xasilinta Soomaaliya, raadinta dawladdnimadii Soomaaliya iyo doorka ay ku leeyihiin inay ka qaataan wixii dano ah ee iyaga dhexdooda ahna ay iska kaashadaan.

“Shirka waxaa kasoo baxay saad la socotaan gole ay ku midaysan yihiin dawladdaha xubnaha ka ah Daladda Federalka Soomaaliya oo ay si joogta ah arrimahooda uga wada hadli doonaan iyagoona si dhow ula shaqayn doona dawladda Fadaraalka Soomaaliyeed , kana shaqayn doona sidii dalkan loo xorayn lahaa oo cadawga looga xorayn lahaa, sidii dalka loo xasilin lahaa, sidii dalkan dhab ahaan loo gaadhsiin lahaa meesha uu istaahilo aragtidu taa uun weeye” ayuu yiri Madaxweynahaha dawladda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shirka Kismaayo uu ahaa mid aan lahayn wax shiddo ah ama xanaf ah, balse uu ahaa fikir saliima oo wanagsan, kaasi oo dan u ah maslaxadda ummada Soomaaliyeed, cid gaarana aanu u ahayn dan ee uu ahaa dan caama oo Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweyanaha oo si kooban uga hadlay wareejinta Dekada magaalada Boosaaso ayaa ku bogaadinayo masuuliyiinta ka shaqaysay wareejinta dekedda magaalada Boosaaso shaqada wanaagsan ee ay qabteen, waxaana uu Madaxweynuhu Alle “SWC” uga baryey shacabka reer Puntland iyo dawladdoodaba inuu mashruucani khayr u noqdo, isla markaana uu noqdo mid lagu guulaysto.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisa ayaa kahor inta aanay kasoo kasoo kicitimin magaalada Kismaayo waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kusii sagootiyey  Madaxweynaha Jubbaland Mudane. Axmed Maxamed Islaan iyo kuxigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha maamulka Jubbaland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Jubbaland, wax garad iyo masuuliyiin kale.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI