Friday 15th December 2017

Francisco Madeira,”Shacabka Ku Hoos Nool Alshabaab Waxay Wajahayaan Macluul”.

October 10, 2017 - Written by Kulmiye

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan  Soomaaliya Francisco Madeira oo maanta ka qeyb galay kulan looga hadlayay amaanka oo ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay inay wadaan qorshe loogu gurmanayo dadka ku dhibaateysan degaanada ay maamulaan dagaalamayasha Al-shabaab.

Danjire Madeira ayaa sheegay shaqada AMISOM ay u joogto Soomaaliya ay tahay nabadeynta dalka iyo la dagaalanka ururka Al-shabaab, isagoona tilmaamay howlgalka ciidamada AMISOM in uu wajahayo marxalad cusub.

Sidoo kale Franciso Madeira ayaa waxaa uu xusay in dhawaan gar-gaar ay gaarsiin doonaan deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab ee lagu dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uuna Sheegay inaysan marnaba AMISOM u dulqaadan Doonin in Al-shabaab ay diidaan  gar-gaar la gaarsiin waayo meelaha ay dhibaatada ku heysata Dadka ay Abaarta saameysan,islamarkaana iyagu ay ku sugan yihiin.

Hadalka Erayga gaarka ah ee midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa Xili Gobalo badan oo abaaro ka jira,islamarkaana ay maamulaan Al-shabaab aan Haatan gar-gaar bini’aadimo ah  la gaarsiin Karin.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI