Sunday 17th December 2017

WEFTI KA SOCDA WASAARADAHA CAAFIMAADKA DFS IYO DAWLADDAHA XUBNAHA KA AH DFS OO GAROWE SOOGAADHEY

September 10, 2017 - Written by Suldaan Samawade

Wefti ka socda wasaaradaha caafimaadka Dowladda federaalka iyo maamulada dalka ayaa maanta yimi Garowe, waxaana soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan wasaaradda caafimaadka Puntland.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda caafimaadka iyo xubnaha Garowe yimi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in u jeedaha weftigan Garowe u yimaadeen ay tahay inay ka wada shqeeyaan qorshaha duumada sadexda sano ee soo socota.

Agaasimaha waaxda Duuumada Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdikariim Xuseen Xasan oo wefti kusoo dhaweeyey Garowe ayaa sheegay inay wada dejin doonaan qorshaha duumada lagu shaqaynayo sadex sano ee soo socota 2017 ilaa 2020.

Cali Cabdiraxman oo ah agaasimaha waaxda ka hortaga duumada wasaaradda Caafimaad ee Dowladda federaalka hogaaminayeyna weftiga ayaa sheegay in weftigu ka kooban yahay Wasaaradaha Caafimaadka Dowladda federaalka, maamulada Hirshabeellle , Koonfur galbeed iyo Jubbaland , muddo labo barri ah ayuu tilmaamay inay Garowe u joogi doonaan dejinta qorsha duumada sexda sano ee soocota oo ay iska kaashanayaan Dowladda federaalka , Maamulada iyo Ha’yadaha la shaqeeya.

Xanuunka duumada ama Malaryada ayaa ah xanuun inta badan sameeya dadka Soomaaliyeed, Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa hadda dedaal ugu jirta sidii ka hortag loogu samayn laha waxyeeladeeda.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI