Sunday 17th December 2017

WASAARADDA WAXBARASHADA PUNTLAND OO SAGOOTISAY 20 ARDAY OO DEEQ WAXBARASHO KA HELAY SUUDAAN.

September 10, 2017 - Written by Suldaan Samawade

Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa maanta 10 September  2017, 20 arday udiratay deeq waxbarasho oo dalka Suudaan ah , kuwaas oo kaalimaha sare ka galay imtixaankii shahaadiga ah fasalka 4-raad ee dugsiga sare.

Munaasabad ardayda lagu saagootinayey oo lagu qabtay Garowe waxaa ka qayb galay Wasiirka waxbarashada Puntland Abshir Ow-yusuf Ciise iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda.

Ugu horrayn waxaa munaasabada ka hadlay agaasimaha guud ee Wasaaraddaa Maxamed Cabdulqaadir Cismaan isagoo sheegay in wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland markasta ku da daasho u xaq sooridda ardayda reer Puntland gaar ahaa xilliyada imitxaaanadka iyo deeqaha waxbarasho.

Mid kamid ah ardayda deeqda waxbarasho ka helay dalka Suudan ee maanta la saagotiyey oo lagu magaacbo Cabdikariin ayaa goobta ka amaanay wasaaradda waxbaarshad oo uu ku tilmaamay mid u cadaaladsamaya ardayda reer Puntaland.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda waxbarashada Puntland Dr:Maxamed Cali Faarax ayaa ardayda kula dardaarmay in ay waxbarashadooda ka salgaaraan,iskana ilaaliyaan waxkasta oo ka hor istaagaya.

ugu dambayn wasiirka waxbarashada iyo taclinta sare ee Puntland Abshir Yusuf Ciise ayaa munaasabadda soo xiray , wuxuu ardayda ku booriyay in ay ilaaliyaashadaan dhaqanka dadnimada iyo diintoodaba, isagoo tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu maanta arday u sagootiyo waxbarasho dibadda ah.

20-ka arday ee maanta loo saagootiyey dalka Suudan ee deeqda waxbarasho ka helay ayaa ka qayb ah boqolaal arday ah oo sannadkasta Wasaaradda waxbaarshada Puntland sanadkasta u dirto deeqo waxbarasho oo dibadda ah.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI