Wednesday 22nd November 2017

Sheekh Mukhtaar Roobow Oo Ku Wajahan Magaalada Baydhabo.

September 11, 2017 - Written by Kulmiye

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Afhayeenkii hore ee Kooxda Al Shabaab Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) lagu wado in saacadaha soo aadan uu gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaban qaabada soo dhaweynta Sheekh Abuu Mansuur ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Baydhabo, waxaana lasii adkeeyay amaanka guud ee magaalada oo la filayo in maanta ama beri uu gaaro Abuu Mansuur.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya iyo Saraakiil kale ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo, waxa ayna xubnahan sii agaasimayaan soo dhaweynta Abuu Mansuur oo sanado kadib la filayo in uu gaaro magaalada Baydhabo oo mar xarun u aheed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hada ku sugan Muqdisho ayaa isna la filayaa in saacadaha soo aadan uu gaaro magaalada Baydhabo, waxaana maamulka Koonfur Galbeed si weyn ugu diyaar garoobeen soo dhaweynta Abuu Mansuur.

Abuu Mansuur Roobow ayaa wali wadahadlo kula jira dowlada Federaalka Soomaaliya, mana jiro ilaa hada wax heshiis ah oo labada dhinac gaareen oo la shaaciyay, hasa ahaatee wararka ayaa sheegaya in uu jiro isku soo dhawaansho.

Sida aan wararka ku helnay Abuu Mansuur ayaa marka uu gaaro magaalada Baydhabo la filayaa in uu uga sii gudbo magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, waxaana suurto gal ah in Abuu Mansuur dib ugu laabto deegaanadii uu joogay uuna kula dagaalamo mar kale kooxda Al Shabaab.

Warar hoose ayaa sheegaya in uu jiro is afgarad dhax maray Abuu Mansuur iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku aadan in gobolka Bakool laga bilaabo howlgal la iska kaashanayo oo kooxda Al Shabaab looga saarayo gobolkaasi.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI