Thursday 21st September 2017

Sarkaal Katirsanaa Kooxda Alshabaab Oo Isudhiibey Ciidanka Dowladda.

September 8, 2017 - Written by Kulmiye

Taliyaha ururka 49-aad ee Guutada 9-aad ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo ku sugan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Faarax Maxmed (Turbac)  oo u waramay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijiyay in horjoogahaasi uu isku soo dhiibay ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugan Gobolka Gedo.

Sida uu soo sheegayo wariyaha warbaahinta Qaranka ee Gobolka Gedo Cumar Ceyduruus Maxmed, Mas’uuliyiin iyo saraakiil katirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Gobolka Gedo ayaa ku soo dhaweeyey Degmada Baardheere, Horjoogahaasi oo Arggagixisada Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada iyo miinooyinka ay Shabaab ka fuliyaan deegaano hoostaga Degmada Baraawe ee Shabeeladda Hoose balse isku dhiibay ciidamada Dowladda ee ka howlgala Gobolaka Gedo.

“Ninkan oo isku soo dhiibay ciidamada Xogga Dalka, wuxuu inoo sheegay in uu ka baxay Shabaab,islamarkaana uu ka soo laabtay fikradaha qaldan o ay aaminsan yihiin halkan ayuu joogaa,waxaan rajaynaynaa in kuwo kalena ay fahmi doonaan wadada saxda ah”, Ayuu yiri Taliye Turbac.

Horjoogahan  ayaa da’diisa lagu qayaasaya 25-30 jir,kaasi oo haatan gacanta ugu jira Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan guutada 9-aad.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.    January 1, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI