Thursday 21st September 2017

Saraakiil Katirsan Alshabaab Oo Duqayn Lagu Diley iyo Maraykanka Oo Ka Hadlay.

September 7, 2017 - Written by Kulmiye

Weerar ay geysatay diyaarad Drone ah oo uu Mareykanku leeyahay oo ka dhacay meel ka mid ah gobolka Bay ayaa la sheegay in lagu dilay saddex ka tirsan Saraakiisha Al-Shabaab.

War ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu dhacay subaxnimadii talaadadii shalay.

Afhayeen u hadlay AFRICOM, Anthony Falvo, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in meesha la duqeeyey aysan ka ag dhaweyn dad rayid ah – wuxuuna sheegay in weli aysan heyn magacyada ragga ka tirsan Al-Shabaab ee ku dhintay iyo darajadooda.

Waxa uu sheegay in maleeshiyada la beegsaday ay halis ku hayeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee gobolkaas ka howlgalaya kana dhowaa meesha ay duqeyntu ka dhacday.

Mareykanka ayaa fuliyay weeraro dhowr ah oo ka dhan ah Al-Shabaab tan iyo markii madaxweyne Donald Trump uu ansixiyay ballaarinta howlgallada Mareykanka ee Somalia ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.    January 1, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI